fredag, april 26, 2024

Bergen: 41 sano jir noqday, qofkii ugu da´da yaraa ee Corona-virus Norway ugu geeriyooda.

Alexander Heggland oo 41 sano jir ah oo sabtidii ku geeriyooday isbitaalka Haukeland ee magaalada Bergen, ayaa ilaa hada inta la diiwaangaliyay noqday qofkii ugu yaraa ee Norway u geeriyooda xanuunka Corona-virus.

Alexander oo ahaa aabaha lix caruur ah ayaa 15 sano kahor laga badalay mid kamid ah kalyihiisa. Wuxuuna kamid ahaa dadka u nugul waxyeelada xanuunka Covid-19.

Bilowgii Maarso ayaa laga helay xanuunka Covid-19, waxaana la dhigay oo lagu daaweynayay isbitaalka magaalada Bergen, kahor inta uusan sabtidii geeriyoon.

Waxaa baraha bulshada iyo internetka ka socdo dhaqaale uruurin lagu taageerayo xaaskii iyo caruurtii uu ka geeriyooday Alexander. Waxaana ilaa hada loo uruuriyay lacag hal milyan ku dhow, halkan ka fiiri(Splies.no)

Guud ahaan waxaa ilaa hada Norway xanuunka Covid-19 u geeriyooday 224 qof, waxaa kamid ah afar qof oo da´deedu ay dhaxeyso 40-49 sano.

Xigasho/kilde: Alexander (41) blei den yngste i landet som har døydd med koronasmitte

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x