fredag, april 19, 2024

Baarlamaanka Norway oo bari go´aan ka gaarayo in caruurtan qoxootiga Norway loo soo qaado.

Baarlamaanka dalkan Norway ayaa bari oo talaado ah ka fariisan doono mooshin ku saabsan in dowlada Norway ay ka qeybqaadato dib u dajinta midowga Yurub ay u sameynayeen caruur qoxooti ah ku duruufeysan xerada Moria ee qoxootiga oo kutaal dalka Giriiga.

Xerada qoxootiga Moria oo kutaal xuduudka dalka Giriiga, ayaa waxaa xiligan ku sugan 38.000 qof oo qoxooti ah, kuwaas oo 36% ay yihiin caruur da´yar ah oo magangalyo doon ah. Ugu yaraan 1600 qof oo dhalinyaro qoxooti ah ayaa lagu sheegayaa inay yihiin dhalinyaro aad u unugul oo aysan waalidkood la socon.

Dowlada Giriiga ayaa horey wadamada EU-da iyo Norway uga dalbatay inay ka gacan siiyaan dib u dajinta qoxootigaas, gaar ahaan caruurta iyo dhalinyarada aan waalidkood la socon ee halkaas ku duruufeysan. Wadamo badan oo midowga Yurub katirsan ayaa horey u ogolaaday inay Giriiga ka gacan siiyaan dib u dajinta dhalinyarada qoxootiga ah ee halkaas ku dhibaateysan, balse dowlada Norway ayaa horey u diiday inay arintaas ka qeybqaadato.

Xisbiyo katirsan baarlamaanka, siyaasiyiin hore, maamulada deegaanka, ururada qoxootiga iyo hey´addaha xuquuqul insaanka, ayaa dhamaantood dowlada Norway ku cadaadinayo inay ka qeybqaadato dib u dajinta dhalinyaradaas.

Baarlamaanka Norway ayaa bari oo Talaado ah ka doodi doono mooshin baarlamaanka la keenay oo ku saabsan in Norway ay qeybteeda ka qaadato dib u dajinta dhalinyaradaas qoxootiga ah.

Xigasho/kilde: Tirsdag skal Stortinget behandle et forslag om å hente enslige mindreårige fra Moria-leiren.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x