fredag, april 19, 2024

Askirigii ninka madowga ah ceejiska jilibka ah ku dilay oo dacwad dil ah lagu soo oogay.

Nin laga eryay xubinnimada ciidanka booliska Mareykanka kaddib markii uu ceejis uu jilibkiisa u adeegsaday ku dilay nin madow ah oo aan hubeysneyn ayaa xabsiga loo taxaabay, sida ay saraakiisha sheegeen. Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Minneapolis

Derek Chauvin wuxuu ka mid yahay afar askari oo shaqada looga eryay sabab la xiriirka dhimashadii Mr Floyd, oo Isniintii geeriyooday isagoo ku jira gacanta booliska. Mr Chauvin ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday mudaharaadyo rabshado iyo boob sababay oo ka dhashay caradii laga qaaday muuqaal baraha bulshada ku faafay oo laga arkayay askari jilibka qoorta uga haya George Floyd.

George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday. Wuxuu waardiye ka ahaa mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla Minneapolis.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x