Qoraha maqaalkan: Abdihakim Abdullahi(Aabe Soomaali ah oo Norway kunool).

Waxaa nasiib wayn ah in uu qof ku dhasho, ama ku noolaado dalkani nabadada ah ee Norway, waxaa nasiib ah in canug kaste uu fursad u haysto waxbarasho lacag laáan ah, laga bilaabo dugsi hoose dhexe ilaa iyo dugsi sare, waxaa kale oo nasiib wanaag ah in ay jiraan fursado shaqo oo qofkii dhalinyaro ah ee dadaalo uu shaqaysan karo asaga oo waxbaranaayo.

Waxaase nasiib darro ah in ay jiraan caruur badan oo da´dooda ka bilaabo 10-17, 18-25 jirro ah oo fursadahaasi dalkaani ka jiro dhinac martay sababo kala duwan oo ay ugu horeeyso in ay noqdeen dambiilayaal, amaba ayaga oo waxbaranaayo wali ku kaca falal dambiyeed. Caruurtaasi kuwana waalidkooda waa ay ka warqabaan, kuwana waa ay ka qarsoontahay oo waliba ma oga xaaladda dhabta ah iyo waxa ay qabtaan caruurtooda xilliyada qaar.

Booliska dalka waxa ay sheegeen in da´yarta ku nool magaalada Oslo 97% ay yihiin kuwa u hogaansan sharciga sagaalkii sano ee u dambeeysay marka loo eego warbixinnada booliska ay ka soo saaraan ee la xariira caruurta iyo da´yarta iyo dambiyadavgala (barn-og ungdomskriminalitet) basle booliska ayaa waxa ay walwal haddana ka muujinaayaan in laga soo bilaabo 2018/2019kii ay aad u soo kordhayso da´yarta iyo dhalinyarada samaynaayo ficil dambiyeeed taas oo ah kororkii ugu badnaa ee la diiwaangaliyo.

Dambiyada ugu badan ee da´yar gaysato waxa ay ka dhacaan Oslo iyo agagaarkeeda, da´yarta ugu badan ee dambiyada gaysatana waa da´yar ama dhalinyaro Norweeji ah, halka Somalida, Polsk iyo Svensk ay yihiin dadka ku soo xiga tirade da´yarta ama dhalinyarada gaysata dambiyada. (Trender I kirminaliet 2018-2021).

Maxaa sababaayo in da´yarta ay gaystaan dambiyo?

Waxaa jiro sababo badan oo ka qayb qaadanaayo in cauurta da´da yar ay noqdaan kuwa dambiilayaal ah ama sameeyo ficil dambiyeed kaas oo dhibaato u keenaayo mustaqbalkiisa.

1: Xariirka qoyska iyo ficil dambiyeedka

Kala tagga labada waalid ama waxa loo yaqaano furriinka ayaa waxa uu qayb wayn ka yahay mustaqbalka caruurta, cilmi baaris la sameeyay waxa ay sheegeeysaa in carurta ay waalidkooda kala tageen ay u dhawday in ficil dambiyeed ay galaan inta ay da´yar yihiin marka loo eego caruurta kale oo waalikooda wada joogaan.

Av studien fremgår det at hvis foreldrene ble skilt før barnet fylte tre år, hadde gutter 1,7 ganger større, og jenter nesten to ganger større, risiko for å bli siktet for første lovbrudd som ungdom eller ung voksen. Ved skilsmisse i 13-15-årsalderen var risikoen noen mindre, rundt 1,5 ganger større for gutter enn for barn av ikke-skilte foreldre.

Annaga bulshadeena Somalida ah waxaan nagu badan furriinka ama waalidka xanaaanada caruurtiisa kaligiis masúul ka ah taas oo sababaysa in maqnaashada hooyo ama aabo ay sababayso in korriishaha canuga dowr wayn ka maqanyahay.

2. Magaalada wayn (Oslo Factor)

Magaalooyinka waawayn waxa ay qayb wayn ka yihiin in qofka da´da yar uu galo dambi hadduu ku noolayahay magaalo wayn marka loo bar bardhigo dadka dagan magaalooyinka yar yar. Arrintaani waxaa cadayn u ah warbixinadda booliska ay soo saareen ee la xariir caruurta dambiyada gala in ay u badanyihiin ama ay ku noolyihiin magaalooyinka waawayn.

Annaga bulsho ahaan Somali waxaa aan inteena badan dhaqan noo ah in aan dagno caasimadaha sida London, Stockhom, Oslo… annaga oo inetena badan marka hore daganaan jirnay magaalooyin yar yar ee dalkaani Norway. Hadda inta magalada Oslo dagan intooda badan waxa waaye dad ka soo guuray magaalooyin kale, dagmooyin kale oo ay ku haysteen fursado waxbarasho, caafimaad, dhaqaalo, shaqo, ayaga oo intaasi oo dhan oga soo guuray si ay u helaan (social life), taas oo waalidka uu raadinaayo, amaba uu doonaayo in la dhaho waxa uu daganyahay/dagantahay Oslo.

Magaalooyin waawayn oo dalkaani aan tagay waxaan la sheekeeystay dadka wali dagan waxa ayna ii sheegeen in dad badan oo shaqooyin ku haystay ay ka guureen, hadana ay shaqo laáan ku hayso Oslo.  Waa jirtaa sababo kale oo walid badan u soo guuro taas oo la xariirto in canuga dhaqankiisa xagga luqadda ah, ama diinta ah la sheego in ay u fiicantahay Oslo iyo agagaarkeeda, balse la isma waydiinin amay jirtaa wax kale oo ka sii daran oo dhici karo sida ficil dambiyeed in canuga uu gaysto (miljøgaas darteed).?

Barn som vokste opp i tynt befolkede, usentrale strøk, hadde langt lavere risiko for å bli innblandet i kriminalitet enn dem som bodde i Oslo, Bergen, Trondheim og Stavanger. Barn som vokste opp i Oslo, var mest utsatt for å bli siktet for lovbrudd.

Oslo waxa ay noqotay riyada qof kaste oo Somali ah oo aan daganayn magaalo wayn siduu ugu guuri lahaa, u dagi lahaa, ugu noolaan lahaa, balse qiimayn iyo wada tashi in la sameeyo waaye inta aan la guurin. Guriga Oslo ee qoys dagi karo waa ugu yaraan 15,000 kr, sidee u awoodi karaa qof mushaarkiisa yahay haduuba shaqeeyo 30,000 ama ka yar..

            3. Shaqada Aabaha iyo hooyada (dhaqaalaha)

Caruurta aabahooda uu haysto shaqo uu aado, dhaqaalo kasoo saarto, waxa ay fursad wayn usiinaysaa canugga inuu helo qof uu ku daydo, qof uu sugo oo ka soo wado iskuulka marka uu wakhtiga iskuulka dhamaado, qof u raaco xilliyada tababarka (fritidsaktiviteter), taas oo canuga u sahlayso in uu xariir wanaagsan la leeyahay waalidkiisa. Waalidka canugga u raaco kubadda ee la soo ciyaaro, iyo waalidka Card bus siiyo ee dhaho soo ciyaar, isku mid ma noqon karaan la socoshada canugiisa.

Mar kaste oo uu jiro jadwal u dagan qooyska kaas oo la xariiro waxa la qabanaayo isbuucii oo dhan, maalamaha fasaxa ah ee iskuulka iyo xilliyada iskuulada xiranyihiin, waxa ay sahlaysaa in ay jirto waxa canuga uu qorsheeynaayo in ay dhici doonaa, qaban doono, aadi doono maalinka sabtida iyio axadda, ama fasaxa vinterka, høstiga, summerka.

Qorshahaasi iyo wakhtiga qoyska maalinkii oo wada qorsheeysan waxa ay yareeyneeysaa in canugga uusan fursad u helin wax kale, sababtoo ah waxaa daggan jadwal joogto ah. Markaan kusoo laabto shaqada aabaha ama hooyada waxa ay canuga u sahlaysaa in uu sheego waxa aabihiisa ama hooyadiisa shaqadooda tahay marka ay ardayda kale sheegaan, waxa ay sahlaysaa in canugga uu ku faani karo waalidkiisa. Haddiiba aysan jirin sheeko uu la wadaagi karo caruurta kale ee ah wax hore u dhacay, oo uu soo sameeyay, wax dhici doono oo ay qoyskiisa samayn doonaan, waxaa adkaanayso in canugaasi uu sheeko wadaag la noqdo caruurta kale.

In la wada qadeeyo, lawada quraacdo, lawada casheeyo, jadwal hurdo, jadwal wax akhris iyo jadwal helgaha (sabtida iyo axadda) uu jiro waxa ay sahlaysaa in aan caruurta wakhti u helin in ay wax kale qabtaan.

Halkan ka akhri qeybta labaad ee maqaalkan: Sidee looga hortagi karaa in canuga uu dambiile noqonin? (Riix linkiga)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments