torsdag, april 18, 2024

Xaaskiisa oo uur leh ayuu dilay, hadana meydkeeda gubay: 15 sano ayaa lagu xukumay.

Maxkamada racfaanka ee Gulating ee gobolka Rogoland ayaa maanta nin u asal ahaan kasoo jeedo dalka Suudaan ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah, kadib markii ay maxkamadu ku heshay danbi lagu soo eedeeyay oo ahaa inuu dilay, kadibna uu meydkeeda gubay xaaskiisa oo xaamilo aheyd.

Dilka haweeneydan ayaa bishii September ee sanadkii 2018 ka dhacay degmada Egersund ee gobolka Rogoland ee dalkan Norway.

Maxkamada hoose ee gobolka ayaa ninkan horey ugu xukuntay isla 15 sano oo ciqaab xabsiyeed ah, balse wuxuu ka qaatay racfaan, isaga oo ilaa bilowgii diidanaa danbiga ay hey´addaha ay xeer ilaalintu kusoo eedeeyeen.

Xeer ilaalinta ayaa kiiska dacwada ah ee ninkan lagu soo eedeeyay ku sheegay in markii hore uu jirdil xun u geystay xaaskiisa oo uur laheyd, taas oo markii danbe sababtay inay jirdilkaas u geeriyooto. Kadib ayuu soo qaatay Bensiin, isaga oo gubay gurigii ay ku noolaayeen oo meydka xaaskiisu uu dhex yaalay, si uu qariyo dilka xaaskiisa.

Ninkan ayaa sheegay inuu guriga hurday xiligii uu dabka kacay, kadibna uu daaqada guriga ka booday si uu naftiisa u badbaadiyo. Balse xeer ilaalinta ayaan warkiisa rumeysan, waxeyna weydiiyeen sida uu ugu guuleystay inuu badbaadiyo baasaboorkiisa, documentiyo oo kale oo muhiim ah iyo lacag dhan 49.000, hadii wax walbe oo guriga yaalay ay gubteen.

Mid kamid ah qodobada ugu waaweyn ee aadka looga hadlayay intii ay socotay maxkamadeynta ninkan ayaa ah, sababta uu dilka ugu geystay xaaskiisa oo uur laheyd.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in uurka ay xaaskiisu oo 24 sano jir aheyd, ay qaaday uu ahaa mid aan la qorsheyn, ama lagu tala-galin. Sidaas darteed ay go´aansadeen inay ilmaha soo ridaan, si ay usii wataan waxbarashadooda iyo barashada luuqada Norwiijiga. Isla maalintii ay haweeneydu balanta ka heshay dhakhtarka uurka, ayuu dhacay falka dilka ah.

Xigasho/kilde: 15 års fengsel for drap og likskjending

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x