Sweden: Degmo raaligalin siisay soomaalida, kadib war qalad ah oo laga faafiyay.

0
202

Duqa magaalada Västerås ee dalka Sweden iyo madaxa shaqaalaha degmadaas, ayaa fariin muuqaal ah raali-galin ku siiyay soomaalida degan magaaladaas, kadib markii ay cadaatay in xildhibaanad katirsan golaha deegaanka Västerås, ay war aan sax aheyn ka faafisay soomaalida.

Xildhibaanadan katirsan golaha degmada, ayaa waraaq ay u qortay qaar badan oo kamid ah shaqaalaha dowlada hoose ee Västerås ku sheegtay in soomaalidu ay ku qubeystaan biyaha lagu dhaqo qofka meydka ah. Warqadaas ayaa kusii dhex faaftay maamulka magaalada iyo shaqaalaha degmada, waxeyna gaartay heer aad magaalada gudaheeda looga hadalhayo.

Dalada midowga ururada soomaalida ee degmadaas, ayaa far celin xoogan ka muujiyay arintaas, waxeyna xildhibaanadii warqada qortay iyo maamulka degmada ka dalbadeen inay bixiyaan cadeynta arinta soomaalida laga sheegay, iyo inay keenaan faah-faahinta arintaas soomaalida aad uga xanaajisay la xiriirta.

Kadib markii ay cadaatay in arintaas ay aheyd arin been abuur ah oo soomaalida laga sheegay, ayuu duqa magaalada Västerås iyo madaxa ugu sareeyo shaqaaluhu soo duubeen fariin muuqaal ah oo lasoo galiyay webka degmada, taas oo raali-galin lagu siinayo soomaalida.

Xildhibaanadi warkan faafisay, ayaa markii ay sharaxaad ka dalbadeen ururada soomaalida deegaankaas, sheegtay inay qalad fahantay, ujeedada ugu weyn oo ay laheydna uu ahaa ka hortaga faafitaanka xanuunka Corona-virus.

Gabar lagu magacaabo Hudda Hassan oo ku hadashay magaca dalada ururada soomaalidaas, ayaa sheegtay in waxyaabo badan oo soomaalida laga sheego, ayna kamid tahay arintan hada raaligalinta laga bixiyay, ay tahay waxyaabo aan sal iyo raad laheyn. Soomaaliduna ay inta badan laftirkoodu u fiirsasho la´aan ka qeybqaataan faafinta wararka xumaanta ah ee iyaga laga sheego.

Xigasho/kilde: Laanfta afka soomaaliga ee idaacada Sweden.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments