Solberg: 7-dan isbadal ayaan sameysay.

0
102
Foto: Regjeringen.no

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg iyo xubno katirsan golaheeda wasiirada, ayaa hada guriga dowlada ku qabaneyso shir jaraa´id oo ay uga hadleyso qodobo ku saabsan xanibaada faafitaanka xanuunka Corona-Virus oo la qafiifiyay.

Wasiirka caafimaadka Norway ayaa shaley sheegay in Norway ay hada ku guuleysatay inay kontroll ku sameyso faafitaanka xanuunka covid-19, waxeyna maanta reysulwasaaruhu sheegtay in wixii hada ka danbeeyo ay dowladu xeerarkii adkaa ee kahortaga covid-19 lagu sameyn doono khafiifin laga taxadaray.

Solberg ayaa sheegtay inay isbadal ku sameeyeen 7-dan qodob:

  • Wixii ka bilowdo 20-ka bishan April, waxaa dib loo furi doonaa xarumaha xanaanada caruurta ee barnehaga-yaasha. Waxeyna Solberg waalidiinta iyo macalimiinta ku wargalisay inay heystaan waqti fiican oo ay ku diyaargaroobaan.
  • Wixii ka bilowdo 27-ka bisha April, waxaa dib loo furi doonaa iskuulada caruurta, waxaana iskuulka dib ugu soo noqon doono caruurta dhigata fasalada koowaad ilaa afaraad. Sidoo kale caruurta dhigata SFO-ga ayaa iyagana isla taariikhdaas dib loogu furi doonaa.
  • Solberg ayaa sheegtay in hadafka dowladu uu yahay in dhamaan areyda dhigata iskuulada ay dib ugu soo noqdaan iskuulkooda kahor inta aan la gaarin fasaxa sommerka.
  • Wixii ka bilowdo 27-ka bisha April, waxaa dib iskuulka ugu soo noqon doono ardeyda jaamacadaha dhigta, gaar ahaan kuwo dhigta fasalada ugu danbeeyo ee aan ka maarmin qalabka jaamacada yaalo, si ay shahaadooda u helaan.
  • Wixii ka bilowdo 27-ka bisha April, waxaa inta badan shaqadooda dib u bilaabi kara dadka ka shaqeeyo xirfadaha ay kamid yihiin, Pyskolog(Cilmi nafsi yaqaan), Optiker(Kuwo araga indhaha cabira) iwm.
  • Wixii ka bilowdo 27-ka bisha April, waxaa qeybo kamid ah dib loo furi doonaa xirfadaha ay kamid yihiin timayarayaasha, Massasje(Duugitaanka) iyo meelaha la isku qurxiyo(Hudpleie). Balse waa inay raacaan shuruuc adag oo loo dajiyay, si loo xakameeyo faafista xanuunka.

Xigasho/kilde: Halkan ka daawo shirka jaraa´id ee Solberg ee waloi socda.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments