Shirkad uu aas-aasay wiil soomaali ah oo 70 milyan lagu iibsaday.

0
202
Shaafici M Adan Sawirka: NorSom News

Sida uu qoray wargeyska dhaqaalaha ee Dagens Næringsliv, Shirkadaha Schibsted iyo Norgesgruppen oo kamid ah shirkadaha ugu waaweyn Norway, ayaa iibsaday saamiyada(share-ka) shirkada Zoopit oo lagu qiimeeyay 70 milyan oo kr.

Zoopit oo ah shirkad logistik ahaan isku xirto dukaamada alaabaha iibiyo iyo macaamiisha Online-ka wax ku iibsado, ayaa waxaa sanadkii 2014 wada aas-aasay Shaaficin M. Adan oo soomaali ah iyo Arne Kvale. Waxeyna shirkadoodu sanadkii hore faa´iiday lacag dhan 5,7 milyan kr.

Shirkada Schibsted oo ah shirkada iska leh wargeyska waaweyn ee VG iyo Aftenposten iyo shirkada NorgesGruppen oo iska leh dukaamada cuntada ee waaweyn ee Kiwi iyo Meny, ayaa horey u lahaa 51% saamiga(Share-ka) shirkada Zoopit. Waxeyna hada iibsadeen dhamaan saamiga shirkadaas, waxeyna ka iibsadeen labada aas-aase iyo shaqaalaha shirkada.

Aas-aasayaasha shirkada Zoopit Shaafici M. Adan iyo Arve Kvale ayaa inta aysan shirkada iibin lahaa 30% saamiyada shirkada Zoopit. Waxaana midkiiba lacagta shirkada lagu qiimeeyay ee 70-ka milyan ah, kaga soo aaday, loogana iibsaday lacag kor u dhaafeyso 10 milyan oo kr midkiiba.

Labadan aas-aase oo mudo saaxiibo ahaa, ayaa sheegay inay hadana mar kale wada bilaabeen shirkad kale oo suuqa guryaha ka shaqeyso. Waxeyna wargeyska DN u sheegeen in la joogo xiligii ay bog cusub bilaabi lahaayeen.

Xigasho/kilde: Gründerduo selger selskapet til Schibsted og Norgesgruppen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments