torsdag, april 25, 2024

Sababtee ayay wadamada ay dumarku hogaamiyaan ugu guuleysteen xakameynta COVID-19?

Ka soo billow New Zealand ilaa Jarmalka, Taiwan ama Norwaydan aan degenahay, wadamada qaar ee dumarka ay madaxa ka yihiin caalamka, ayaa la xaqiijiyay inay xanuunka Corona-virus u dhinteen dad aad u yar, marka loo fiiriyo dalalka ay Raggu hogaamiyaan.

Siyaasiyinta dumarka ah ee dalalkaas hogaamiyo ayaa lagu amaanayaa inay qaadeen talaabooyin deg-deg oo aan gabasho laheyn, si looga hortago faafista xanuunka, loona xakameeyo. Halka dalalka ay raggu madaxda ka yihiin ay waqti dheer ku qaadatay inay go´aan adag gaaraan, ayna isku dayeen qaarkood inay xanuunka dhigaan wax aan dhibaato sidaas usii weyn laheyn.

Warbixin dhawaan lagu daabacay wargeyska Forbes ayaa lagu tilmaamay » in hogaamiyaashan dumarka ah ay tusaale u yihin hogaaminta tayada leh ee xiliyada ay dhibaatooyinku dhacaan».

»Dumarka ayaa tusinaya dunida sida loo xallin kara dhibaatooyinka dunida ku habsada xiliyada», ayaa lagu yiri qoraalka ay Forbes daabacday.

Khuburada caafimaadka ayaa sheegaya in wadammada ku guuleystay xakameynta xanuunka Covid-19, ay dhamaantood ay hogaamiyaan dumar.

Arrimaha loo sababeynayo ku guuleysiga xakameynta hogaamiyahaasha dumarka ah, ayaa waxaa kamid ah

Inay Jawaab deg-deg ah oo ka laab-laabasho laheyn ka bixiyeen markii ugu horeysay ee xanuunku uu dalkooda soo gaaray.

Inay qaadeen talaabooyin waaweyn, sida ay dalalkoo bandow kusoo rogeen, ayna fasaxeen shaqaalihii dowlada iyo goobihii waxbarashada.

Inay la yimaadeen go´aan qaadasho geesinimo leh, iyaga oo aan ka fikirin waxa hadhow laga sheegi doono.

Inay mar walba dadweynaha si toos ah ula xiriiriyeen, kalsoonina ku abuureen, u sheegeena in xanuunkan si wadajir ah loola dagaalamo. Iyaga oo u sharaxayay dadweynaha sababta ka danbeysa go´aanada ay qaateen, iyo inay mar walba ka fakarayaan danta guud ee dalka iyo dadka. Talaabadaas oo sahashay inay si fudud ku hirgalaan go´aamada ay qaateen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x