Oslo: Qofkii labaad oo soomaali ah oo xaley u geeriyooday COVID-19.

0
124

Sida ay NorSom News u xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelediisa iyo asxaabtiisa, waxaa xalay xanuunka Covid-19 magaalada Oslo ugu geeriyooday marxuumkii labaad oo soomaali ah.

Marxuumka geeriyooday ayaa Allah ha u naxariistee kamid ahaa waxgaradka magaalada iyo odoyaasha caanka ka dhex ah bulshada magaalada Oslo.

Marxuumka geeriyooday oo aan magaciisa qori karin sabab la xiriirta in aanan wali ogolaansho ka helin qoyskiisa, ayaa naloo xaqiijiyay inuu xanuunka soo ritay maalmo kahor, waxaana la dhigay oo uu ku geeriyooday isbitaalka Oslo. Isaga oo maalmihii ugu danbeeyay uu ku xirnaa mashiinka neefta, kahor inta aysan xalay tii Alle u imaan.

Maalintii Talaadada aheyd, waxaa magaalada Oslo sidoo kale lagu aasay AHU Marxuum Axmed Faarax Cali oo ahaa qofkii ugu horeeyay ee soomaali ah ee xanuunka u geeriyooda. Axmed Faarax ayaa AHU kamid ahaa waayeelka waxgaradka ee magaalada Oslo, wuxuuna ahaa taariikhyahan aad ay dhalinyaradu u jeclaayeen inay la sheekeystaan.

Guud ahaan dalalka Yurub, wuxuu xanuunku soo ritay, una geeriyooday waxgarad, odoyaal, madax hore iyo madax soomaalida dhexdeeda caan ka ah.

Soomaalida Yurub ayaa hada kusoo baraarugeyso saameynta ba´an ee xanuunku uu ku dhex yeeshay bulshadeena, inkasta oo markii hore aan sahlanay ama aan khatarkiisa ku baraarugsaneyn.

F.G: Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, waxaad riixi kartaa halkan, kadibna Subcribe(Abonner).

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments