Muslimiinta Norway oo isku raacay in maalintan ay noqoto maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.

0
189

Sida ay noo xaqiijiyeen dhowr qof oo kamid ah gudiga maamulka dalada ururada iyo masaajidka muslimiinta Norway, maalinta jimcaha ah oo ku beegan 24-ka bishan April ayay daladu Islaamicay inay noqoto maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Inta badan masaajida muslimiinta Norway ayaa iyagana xaqiijiyay inay maalinta jimcaha ah ay noqoto maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.

Wadatashi: Hal maalin iyo ciid iyo soon ah

Cabdiraxmaan Diiriye oo ah madaxa dalada ururada muslimiinta Norway ayaa noo sheegay inay socdaan wadashiyo iyo dadaal faro badan oo loogu jiro in muslimiinta Norway ay dagsadaan habraac iyo tixraacis lagu xaqiijiyo bilashada bisha Ramadaan, iyo waliba maalinta ciida. Si meesha looga saaro kala duwanaanshaha maalmaha soonka iyo ciidaha oo dhibaato ku ah muslimiinta Norway, gaar ahaan dadka shaqeeyo ee fasaxyada uga baahan shaqooyinkooda.

Arintaas ay hada mareyso meel fiican, balse aan wali si rasmi ah loo soo bandhigin. Waxaana lagu wadaa in dhawaan lasoo bandhigo.

Sida ay NorSom News ogaatay, Inta badan culimada muslimiinta ah ee Norway ayaa iyagana ayidsan in maadaama aan Norway laga arki karin bilashada bisha Ramadaan, la adeegsado cilmiga xidigo-tirinta(Falaga) iyo aaladaha casriga ah ee maanta la adeegsado, si loo cayimo maalinta koowaad ee bisha Ramadaanka.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments