Ma ogtahay in Norway ay sanad walba ay Shiinaha siiso mucaawino 618 milyan ah?

0
160
Foto: Rueters

Shiinaha waa dalka labaad ee ugu awooda badan dhaqaale ahaan aduunka, waa dalka koowaad ee ugu dadka badan. Waxaana la filayaa in sanooyin aan badneyn kadib ay booska kala baxaan dalka Mareykanka, ayna noqdaan dalka koowaad ugu awooda badan dunida dhaqaale ahaan.

Saas oo ay tahay, waxey shiinuhu sanad walba deeq lacageed oo 600 milyan kr kor u dhaafeyso ka helaan dowlada Norway oo gabi ahaanba ay ku noolyihiin 5,4 milyan oo qof. Waxaana Norway dhaqaale ahaan ka awood badan hal magaalo oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee Shiinaha.

Sababta ay Norway dhaqaalaha mucaawinada ah u siiso Shiinaha, ayaa lagu sheegay inay tahay in Shiinuhu uu wali caalamka ka diiwaangashanyahay inuu yahay dal dhaqaale ahaan soo korayo. Maadaama hadii dhaqaalaha dalkaas loo qeybiyo tirada dadka kunool, uu shiinihu noqonayo dal dhaqaalihiisu uu wali koboc ku socdo.

Sidoo kale nolosha muwaadinka shiinaha ah ay wali tahay mid aan dhameystirneyn dhaqaale ahaan, marka loo fiiriyo heerka noloshada wadamada horumarka dhaqaale ee weyn gaaray.

Norway ayaa shiinaha ka caawiso arrimo ay kamid yihiin la dagaalanka nabaadguurka cimilada, cilmibaarista iyo waxyaabo kale oo arrimahaas la xiriira.

Wargeyska Nettavisen ayaa maalmahan waday maqaalo taxane ah oo lagu baarayo wadama ay Norway deeqaha siiso iyo qaabka loo adeegsado mucaawinadaas.

Halkan kasii akhri: Kina er verdens mektigste land – Norge bidrar med hundrevis av millioner i bistand

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments