Foto: Vegvesenet

Hey´adda gaadiidka iyo wadomarista ayaa qoraal ay maanta bogeeda internetka kusoo qortay ku sheegtay in la baajiyay dhamaan imtixaanadii baabuurta(Oppkjøring) ee qorsheysnaa in hey´addu ay ka qaado dadka imtixaanka balansaday bilaha April iyp May.

Sababta baajinta imtixaanada ayay hey´addu ku sheegtay in dad badan aysan wali helin waxbarashada laga maarmaanka ee wadista baabuurta, si ay u balansadaan imtixaanka leysinka wadista baabuurta. Sidaas darteed ay go´aansadeen inay baajiyaan qaadista imtixaanada ilaa amar danbe.

Hey´adda ayaa sheegtay inay mar kale dib usoo sheegi doono xiliga laga geli karo imtixaanadaas, kadib marka ay la ogaado qorshayaasha ka hortaga iyo xakameynta xanuunka covid-19. Ayna wixii macluumaad ah soo galin doonaan bartooda internetka.

Xigasho/kilde: Statensvegvesen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments