tirsdag, april 23, 2024

Hey´adda caafimaadka oo soo saartay App lagula socdo dhaq-dhaqaaqa dadka qaba Corona-virus.

Hey´addaha caafimadka Norway ayaa dhawaan soo saaray App lagula socdo dhaq-dhaqaada dadka qaaday xanuunka Covid-19 ama dadka kujiro karantiilka.

App-kan ayaa ah mid uu qofku si iskiis ugu soo degsan karo mobilkiisa(Waa hadii uu rabo). Hadii uu qofku appkan soo degsato waxey hey´addaha caafimaadku awood u leeyihiin inay ogaadaan dhaq-dhaqaaqiisa socodka qofka, meesha uu ku suganyahay iyo dadka agagaarkiisa ka dhow ee iyagana adeegsanaya ama soo dagsatay app-ka.

App-kan ayaa sidoo kale dadka soo dagsado uga digayo marka ay u dhawaadaan ama uu soo agmaro qofka xanuunka qaba, isla markaana app-ka ka diiwaangaliyay inuu xanuunka qaba. Ama qof la galiyay karantiil oo banaanka usoo baxay.

Ujeedka ugu weyn ee dowladu ay ka rabto app-kan ayaa ah in lagu ogaado dhaq-dhaqaaqa dadka xanuunka qaba, meelaha ay joogaan, dadka kalena looga digo marka ay ku dhawaadaan dadka xanuunka laga helay. Sidaasna lagu xakameeyo fiditaanka xanuunka.

Waxeyna hey´addaha caafimaadka dadweynaha ku boorinayaan inay app-kaas kusoo degsadaan mobilkooda, si loo helo xogta dhaq-dhaqaaqa qofka, loogana digo dadka kale ee xanuunka qaaday.

Dadka ku xeel-dheer ilaalinta xogta gaarka ah ee shaqsiga ayaa iyagana dhankooda ka deyrinayo App-kaas, iyo ka digayo inay dowladu heleyso xogta gaarka ah ee qofka, taas oo ah xuquuq gaar ah oo qofku uu leeyahay inuu sirtiiso ilaashado.

Balse hey´addaha caafimaadka ayaa dhankooda ku doodaya in xiligan la joogo caafimaadku uu ka horeeyo wax walba.

Xigasho/kilde; Statsministeren ber alle laste ned Fornebu-utviklet smitteapp

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x