FHI: Tirada ajaaniibta iyo soomaalida uu ku dhacay xanuunka Covid-19 oo u dhacday.

0
101

Sida shaley lagu sheegay tirokoob ay soo saartay laanta caafimaadka dadweynaha, waxaa labadii isbuuc ee ugu danbeeyay hoos u dhac muuqdo uu ku yimid tirada dadka ajaaniibta ah ee uu ku dhacay xanuunka Covid-19, marka loo fiiriyo tirada ay ajaaniibtu wadanka ka yihiin.

Guud ahaan waxaa maalmihii tagay hoos u dhac uu ku yimid tirada dadka cusub ee uu haleelay xanuunka Covid 19, balse waxaa wali jiray ajaaniib badan oo xanuunka uu soo ridanayo.

Soomaalida oo isbuucyadii koowaad ahaa ajaaniibta ugu badan ee xanuunkan uu ku dhacay, si ay FHI sheegtay, ayaa waxaa labadii isbuuc ee ugu danbeeyay ku yimid hoos u dhac balaaran.

Sida ka muuqato tirokoobka FHI, Isbuucii 14-aad(30-ka Maarso-5-April), waxaa xanuunka Covid-19 laga helay 123 oo soomaali ah, halka labo isbuuc kadib oo ku aadan isbuucii 16-aad(13April-19-April) laga helay xanuunka 34 oo soomaali ah.

Tiradaas oo ka dhigan in tirada dadka soomaalida ah ee xanuunka Covid-19 laga helay, ay labadii isbuuc ee ugu danbeysay uu ku yimid hoos dhac gaarayo 70%.

Xigasho/kilde: Nedgang i smittetilfeller blant utenlandsfødte i Norge

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments