torsdag, april 25, 2024

Erna Solberg iyo hal milyan qof oo soo degsaday App-ka Corona.

Wasiirka caafimaadka Norway Bent Høie (H) ayaa shir jaraa´id oo uu saacad kahor qabtay ku sheegay in dad kor u dhaafayo hal milyan oo qof ay soo dagsadeen App-ka lagula socdo dhaq-dhaqaaqa dadka qaaday xanuunka Corona-virus(Smitteappen) ama karantiilka la galiyay.

App-kan oo shaley ay dowladu soo bandhigtay ayaa ah mid la rabo in loo adeegsado xakameynta xanuunka covid-19 ama caabuqa Corona-virus. Wuxuuna dadka soo degsado u dirayaa fariin ama digniin marka ay ka ag dhawaadaan qofka xanuunka qabo ama karantiilka la galiyay.

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg ayaa shaley sheegtay in iyadu ay mobilkeeda kusoo degsatay App-ka, waxeyna dhamaan dadweynaha Norway ka codsatay inay App-kaas soo degsadaan. Dadkuna ay ka qeybqaataan dadaalka loogu jiro xakameynta xanuunka Covid-19.

Solberg ayaa balanqaaday in xogaha gaarka ah ee qofka ee la xiriira dhaq-dhaqiisa shaqsiyeed iyo meelaha uu joogo, ay noqon doonaan oo kali ah kuwo loo adeegsano doono arrimo caafimaad iyo xakameynta xanuunka. Lana xifdin doono oo aan si qaldan soo adeegsan doonin.

Wasiirka caafimaadka ayaa dhankiisa dadweynaha uga mahadceliyay sida ay usoo ajiibeen codsiga dowlada, ayna uga qeybyihiin la dagaalanka xanuunka. Wuxuuna sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono, si loo hubiyo qaabkiisa shaqo, maadaama ay timid cabasho ku saabsan in App-ku uusan uu u shaqeyn waayay dadka qaarkood.

Xigasho/kilde: Høie: Over 1 million nordmenn har lastet ned Smittestopp-appen

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x