fredag, mars 29, 2024

Daawo(Norway): Laba dhalinyaro soomaali ah oo riyadoodii ay u rumowday.

TV-ga qarankan Norway ayaa bishii tagtay soo daayay dokumentaarkii taxane ahaa ee ugu quruxda badnaa ee abid laga sameeyo qof Soomaali ah oo Norway kunool. Kaas oo ku saabsan gabar dhalinyaro soomaali ah oo dadaal dheer kadib ay u rumowday riyadeedii aheyd inay mar uun noqoto qof modell ah, iyada oo xiran xijaabkeeda astaanta u ah.

Muuqaalka taxane ah ee barnaamijka laga diyaariyay Rawdah Maxamed oo ah hooyo dhalinyaro soomaali ah, ayaa tusinayo heerarka ay soo martay guusha ay ugu danbeyn gaartay gabadhan soomaalida ah oo hada kamid ah dadka ugu caansan Norway ee ka shaqeeyo arrimaha modellka(xayeysiinta dharka).

Arinta xiisaha u yeeleyso barnaamijka Rawdo oo ka kooban 10 xalqadood, ayaa ah kalsoonida ay ku qabto nafteeda iyo sida ay ugu qanacsantahay xijaabka ay qabto oo ka turjumauo qeyb kamid ah asalkeeda diineed(Sida ay sheegtay), iyo sida ay ugu kalsoontahay ka miro-dhalinta hadafka nolosheeda.

Halkan ka daawo barnaamijka Rawdo ee NRK oo 10 xalqadood ah.

Barnaamijka Rawdah, waxaa ka horeeyay barnaamij taxane ah oo ay NRK ka sameeyeen Yoonis Yuusuf oo ah wiil dhalinyaro soomaali ah oo majaajileyste. Barnaamijka Yoonis oo uu si majaajilo ah uga hadlayo koritaankiisii, ayaa waxaa uu hada qeybtii labaad(Sesong 2), wuxuuna midkiiba ka koobanyahay 10 xalqadood.

Yoonis oo ah hada kamid ah shaqaalaha qeybta majaajilada ee TV-ga NRK ayaa inta badan kasoo muuqdo barnaamijyada xayeysiinta shirkadaha waaweyn.

Halkan ka daawo barnaamijka Yoonis ee Kongen av Gulset

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x