Ciqaab ayaad ku mudan kartaa inaad shaqeyso, hadii shaqada lagaa fariisiyay(Nav).

0
122

Ilaa 400.000 qof ayaa bishii lasoo dhaafay lagu sameeyay shaqo ka firiisin(Permitering), sababo la xiriira xaalada bandowga xanuunka corona-virus. Waxaa dadka shaqada laga fariisiyay, ay iska diiwaangaliyeen, mushaarna ka heli doonaan xafiiska shaqada ee NAV.

Warbaahinta Norway qaarkood ayaa maalmihii tagay qoray warar la xiriira inay jiraan shirkadaha qaarkood oo shaqaalaha ka codsaday inay shaqeeyaan, iyada oo shaqaaluhu ay NAV iska diiwaangaliyay in shaqada laga fariisiyay. Waxeyna shaqaalaha qaarkood oo warbaahinta la hadlay ay sheegeen inay rabaan inay caawiyaan goobtooda shaqo, si aysan suuqa uga bixin, balse waxaa mushaarkooda bixiyo hey´adda NAV.

NAV ayaa dhankeeda sheegtay in qofka uu ciqaab ku mudan karo inuu shaqeeyo, isaga oo sii diiwaangaliyay in shaqadii laga fariisiyay(permitert), isla markaana mushaar ka qaato NAV. Sidoo kalena laga soo celin karo lacagtii la siiyay, hadii ay ku cadaato inuu shaqeynayay.

Dhanka kale, hadii uu qofku soo diiwaangaliyay in shaqada qeybteed laga fariisiyay(Delvis permitert), waxey sheegeen inuu shaqeyn karo , balse ay tahay inuu soo gudbiyo saacadaha uu shaqeeyay, si lacagta NAV looga jaro mushaarka uu shaqeystay.

Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix, kadibna Subcribe saar(Abonner).

Xigasho/kilde: Permittert, men jobber likevel? Da kan du bli straffet – også for ulønnet arbeid.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments