Caro xoogan oo laga muujiyay qaabka ay siyaasiyiinta soomaalida uga hadleen kiiska soomaalida iyo xanuunka Covid-19.

0
73

Waaxda caafimaadka dadweynaha Norway ee FHI ayaa labo maalin kahor soo saartay tirokoob ku saabsan tirada dadka ajaaniibta ah ee xanuunka covid-19 qaaday. Waxaana tiradaas ka muuqatay in soomaalidu ay yihiin ajaaniibta ugu badan ee xanuunkaas uu haleelay.

Kadibna warbaahinta Norway ayaa bilowday inay siyaabo kala duwan uga hadlaan tirokoobka FHI, waxaana warbaahinta wareysiyo kala duwan siiyay siyaasiyiin katirsan xisbiyada Norway, balse asal ahaan soomaali ah.

Baraha bulshada ay soomaalidu Norway ku kulmaan, waxaa maalmihii ugu danbeeyay ka socday doodo xoogan oo arintaas la xiriirta. Waxaana muuqato in qeybo badan oo bulshada soomaalida kamid ah, aysan ku qancin qaabka ay siyaasiyiinta soomaalida ah arintan uga hadleen.

Dadka qaarkii ayaa su´aalo ka qabo sababta loo soo bandhigay tirada dadka ajaaniibta ah ee xanuunka qaaday, iyo sababta warbaahinta loogu soo bandhigay xiligan oo dadaal loogu jiro xakameynta xanuunka

Dad kalena waxay su´ aalo ka qabaan sababta laamaha caafimaadku aysan usoo bandhigin meelaha ay dadku xanuunka qaadeen. Iyaga oo cuskanayo dareen ah in dad badan oo soomaali ah ay xanuunka ka qaadeen shaqooyinka adeega dadweynaha, sida tagaasida, bussaska iyo caafimaadka oo ay soomaali badan ka shaqeyso.

Hadii aad fiiriso qoraalada doodaha ay soomaalidu isku dhaafsanayeen baraha bulshada, waxaa muuqato caro xoogan oo ay soomaalida arintan ka qabaan guud ahaan. Gaar ahaan qaabka ay siyaasiyiinta soomaalida ah uga hadleen arintan, iyaga oo ku eedeynayo inaysan soo bandhigin sawir iyo warbixino isku dheelitiran oo fahan sax ah ka bixin karo xaalada hada taagan.

Xaqiiqada waa lama huraan mar walba:

Soomaalida doodaha is weydaarsanayo ayaa u muuqdo kuwo isku eedeynayo arimo ay aheyd in xiligan oo kale dib loo dhigo ka hadalkooda. Waxaana xiligan muhiim ah in si wadajir ah xooga loo saaro sidii wacyigalin balaaran loo siin lahaa bulshadeena, si hoos loogu dhigo tirada dadka bulshadeena soomaalida ah katirsan ee xanuunka qaaday. Loogana hortagi karo dhimasho ku imaan karto dadkeena waayeelka ah ee aan jecelnahay ama dadka kaleba.

Waxaad moodaa in xiligan ay dad badan xooga saareen, energi badan ku bixinayaan ka hadalka iyo ka doodista qaabka ay warbaahintu iyo siyaasiyiinta uga hadleen, ayna ka boodsanyihiin xaqiiqada ah in qeybo badan oo dadkeena kamid ah uu xiligan xanuunku ku dhacay. Qaarna ayba u geeriyoodeen.

Bulshada soomaalida, waxaa xiligan la gudboon inay wadajir u wajahaan xaalada soo korortay, ayna dib u dhigtaan arrimaha is eedeynta iyo is far muuqitaanka.

F.G: Wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, waxaad kala socon kartaa halkan: Riix, kadibna Subcribe/Abinner.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments