torsdag, april 25, 2024

Buss-darawal soomaali ah: Sanado badan kadib, waxaan ku faraxsanahay inaan helay degenaansho.

Hey´adda qoxootiga u qaabilsan dowlada Norway, ayaa isbuucyo kahor soo saartay war ku saabsan inay soo gaba-gabeysay ka shaqeynta kiisaska dad soomaali ah oo mudo sugayay sharciga degenaansha Norway.

Waxeyna laanta qoxootigu sheegtay in 600 qof oo soomaali ah ay ugu danbeyn heleen sharciga degenaanshaha, kadib sanado dhowr ah oo ay jawaab sugayaal ahaayeen.

Dadka kiisaskooda ay gacanta ku heysay UDI-da ayaa intooda badan ahaa kuwo wadanka degenaaa 7 sano iyo ka badan, qaar badan oo kamid ahna waxey heystaan shaqooyin rasmi ah, iyaga oo wadanka si fiican ula qabsaday, nololna ka sameystay.

Mid kamid ah dadka soomaalida ah ee sharciga degenaansha helay, oo ah nin dhalinyaro ah oo ku shaqeeyo Darawalnimo bussaska isaga gudbo Oslo iyo agagaarkeeda, ayaa wareysi uu TV2 siiyay ku sheegay dareenkiisa la xiriira go´aanka UDI-da.

 Cabdinaasir Muxumed Nuur ayaa wareysigiisa ku sheegay inuu labo maalin kahor helay jawaabta UDI-da ee loogu ogolaaday degenaanshaha, isaga oo raaciyay inuu aad ugu faraxsanyahay jawaabtaas oo mudo dheer uu sugayay.

Cabdinaasir oo qoxootinimo Norway kusoo galay 7 sano kahor, ayaa sheegay inuu arintaas aad uga welwelsanaa, laakiin mar walba uu niyadiisa wax fiican u sheegi jiray. Uuna sii bilaabay inuu nolol iyo shaqo ka sameysto Norway, hadana uu si fiican salka u dhigan doono, uuna bilaabo doono waxbarasho iyo qorsheynta mustaqbalka kale ee noloshiisa. Maadaama uu hada xaqiiqsatay inuu wadanka si rasmi ah ugu noolaan karo, heleyna sharciga degenaansha.

Cabdinaasir ayaa kamid ah boqolaal dhalinyaro soomaali ah oo xaaladiisa oo kale ku sugnaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Halkan ka daawo muuqaalka wareysiga TV2 ee Cabdinaasir iyo warbixinta kale ee la xiriirta…Qeybta kore ee muuqaalka ah riix.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x