torsdag, mars 28, 2024

Arendal: Nin 15 milyan ku guuleystay oo la raadinayo.

Shirkada baqtiyaa-nasiib Norway(Norsk tipping) ayaa raadineyso nin ku guuleystay lacag gaareyso 15 milyan kr, kaas oo sabtidii waraaqda numberka baqtiyaa nasiibka ka xareeyay dukaan yar oo kuyaal Arendal.

Shirkada ayaa sheegtay inay dhowr ku cel-celiyeen numberka ninka, balse aysan wali ku guuleysan inay helaan xiriirkiisa. Iyaga oo sheegay inay wali sii raadin doonaan xiriirka ninkan, iyaga oo ka codsaday dadweynaha inay fariinta ninkaas gaarsiiyaan, hadii uu jiro qof ka warqaba.

Baqtiyaa nasiibka Norway oo ah mid isbuuc walba dhowr mar la sameeyo, ayay dadku uga qeybqaataan iyaga oo soo dira 7 number oo qofku uu nasiibkiisa ku tijaabinayo, kadibna qofkii hela numberka saxda ah ayaa ku guuleysta lacagta isbuucaas miiska saaran.

Xigasho/kilde: Mann fra Arendal vant 15 millioner i Lotto – Norsk Tipping får ikke tak i ham

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x