Abdullahi TO NRK: Aniga iyo soomaali badan, waxaan xanuunka ka qaadnay shaqada.

0
147
Abdullahi Cali Barre FOTO: PRIVAT

Isbuucii tagay warbaahinta Norway ayaa aad u hadalheysay in tiro badan oo soomaali ah oo 300 qof gaareyso uu ku dhacay xanuunka COVID-19. Soomaaliduna ay yihiin ajaaniibta ugu badan ee xanuunkaas uu ku dhacay Norway gudaheeda.

Waxeyna arintaas doodo badan ka dhalisay soomaalida dhexdeeda, gaar ahaan baraha bulshada ay soomaalidu warka ku kala qaadato.

Maanta waxaa TV-ga qaranka Norway ee NRK ka hadlay dhowr qof oo soomaali ah, kuwaas oo sheegay in sawirka ay warbaahintu ka bixisay soomaalida iyo xanuunka COVID-19, uusan aheyn mid sax ah oo xaqiiqada ka turjamayo. Balse uu yahay mid kordhin karo faquuqa horey soomaalida loogu hayay.

Soomaalida NRK la hadashay ayaa sheegay in soomaali badan ay xanuunka ka qaadeen shaqooyinka adeega dadweynaha, gaar ahaan tagaasida, bussaska, caafimaadka iyo nadaafada oo ay soomaalidu aad ugu badanyihiin. Iyaga oo caro xoogan ka muujiyay in warbaahintu aysan soo bandhigin xiriirka ka dhaxeeya dadka xanuunka qaaday iyo goobaha ay ka qaadeen, gaar ahaan kuwo goobaha shaqada.

Abdullahi Ali Bare oo kamid ah dadka soomaalida ah ee xanuunka qaaday, kana caafimaaday, ayaa sheegay inuu hubo in xanuunka uu kasoo qaaday goobtiisa shaqo. Ayna jiraan dad badan oo soomaali ah oo uu yaqaan oo xanuunku uu ku dhacay, iyaga oo gudanayo waajibkooda shaqo.

Abdullahi oo sawirkiisa aad ka arki kartid qeybta kore, ayaa muujisay in soomaali badan ay ka xanaaqeen in iyaga oo shaqooyin muhiim ah dalka u hayo xaaladan adag ee lagu jiro, hadana soomaalidii loo muujiyo inay yihiin dad hal meel ama hal nooc xanuunka u wada qaaday.

Gudoomiyaha dalada ururada muslimiinta Norway: Cabdiraxmaan Diiriye.

Cabdiraxmaan Diiriye oo ah gudoomiyaha dalada ururada muslimiinta ah ee Norway, ayaa isna sheegay inuu ogyahay in soomaali badan ay xanuunka ka qaadeen goobaha shaqada ama iyaga oo waajibkooda shaqo gudanayo. Ayna muhiim tahay in warbaahintu ay soo bandhigto sawir xaqiiqada oo dhan banaanka keenayo, ayna ka taxadaraan waxyaabaha keeni karo in qowmiyad gaar ah xanuunka loo saariyo.

Halkan ka akhri maqaalka NRK: Abdullahi trur han vart smitta på jobb – fryktar FHI bidrar til stigmatisering

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments