Waxaa lagu eedeeyay inuu guursaday gabar 14 sano jir ah: danbigii ayaa lagu waayay.

0
140
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada racfaanka gobolka Møre og Romsdal  ee dalkan Norway ayaa danbi ku weyday 29 sano jir u dhashay dalka Ciraaq, kaas oo ku eedeysnaa inuu guursaday gabar 14 sano jir ah. Ninkan ayaa ku eedeysnaa inuu jabiyay xeerka iyo sharciga guurka Norway, kadib markii uu guursaday gabar ay da´deedu ka hooseyso da´da qaangaarka ee 18-ka sano.

Horey maxkamada hoose ayaa ninkan ku weyday wax danbi ah, waxeyna Maxkamada racfaanka mar kale ninkan ka cafisay dhamaan eedihii loo heystay. Maxkamadu racfaanka ayaa si lamid ah maxkamada hoose go´aankeeda ku sababeysay inaan la xaqiijin karin da´da rasmiga ah ee gabadha uu ninkan guursaday, iyada oo horey uu muran uga taagnaa da´deeda rasmiga ah xiliga uu guurkan dhacayay.

Xarunta xaqiijinta aqoonsiyada ayaa iyadna sheegtay inaan la xaqiijin karin ama lagu kalsoonaan karin cadeynta dhalashada ee laga soo diray wadanka ay gabadhan u dhalatay.

Guur taabacsan dhaqanka islaamka:

Ninkan ayaa sida ay xeer ilaalintu sheegtay, gabadha gacanteeda weydiistay qoyskeeda, wuxuuna ka helay ogolaansho ah iyo aqbalaad ah inay gabadhooda siiyeen. Kadib waxaa u meheriyay wadaad muslim ah oo masaajid imaam ka ahaa. Sanad kadib ayay dhigteen xaflad aroos, iyaga oo casuumay xubnaha qoyskooda iyo asxaabtooda gaarka ah.

Xiliga uu guurkaas dhacay ayay xeer ilaalintu sheegta, in da´da gabadha ay u dhaxeysay 14 ilaa 16 sano, halka da´da ninkana ay kor u dhaafeysay 25 sano. Gabadha iyo ninkaba waxey Norway qoxootinimo kusoo galeen sanado kahor.

Kadib markii ay arintan soo shaaxbaday, xeer ilaalinta gobolka Møre og Romsdal ayaa ninkan ku eedeysay inuu jabiyay xeerka iyo sharciga guurka, isaga oo muteysan karay sadex sano oo xabsi ah, hadii danbiga lagu eedeeyay lay maxkamadu ku heli laheyd.

Xigasho/kilde: Frifunnet i sak om barneekteskap.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments