Oslo-Bærum: 3 qof oo cusub oo laga helay Viruska hargabka Corona.

0
126
Foto: FHI

Sida ay caawa fiidkii xaqiijisay hey´adda qaabilsan caafimaadka dadweynaha, sadex qof oo cusub ayaa Norway gudaheeda laga helay Viruska hargabka Corona.

Sadexda qof ayaa kala ah labo qof oo Oslo degan, kuwaas oo dhawaan kasoo noqday dalka Talyaaniga. Halka qofka sadexaadna uu yahay qof degan magaalada Bærum, kaas oo dhawaan socdaal ku tagay dalka Iiraan oo hargabkan uu ku fiday.

Sadexda qof ee laga helay gargabka ayaa waxaa lagu karantiilay(lagu xareeyay si gaar ah) meelo gaar ah, iyada oo xaaladooda ay la socdaan hey addaha caafimaadka degmooyinka ay deganyihiin.

Hey´adda caafimaadka dadweynaha ayaa sheegtay inay filayeen inay soo bixi doonaan dad kale oo qaba viruska Corona, kadib markii shaley hargabka laga helay haweenay degan magaalada Tromsø, socdaalna dhawaan ku tagtay dalka Shiinaha.

Tirada guud ee dadka viruska hargabka laga helay Norway gudaheeda, ayaa hada gaareyso 4 qof. Waxaana karantiil ku jiro isku dar dad boqol kor u dhaafayo, kuwaas oo looga shakiyay inay cudurka qabaan, balse aan la xaqiijin inay qabaan iyo in kale.

Cabsida ay dadku hargabka ka qabaan ayaa maanta sababtay inay kumanaan kun wacaan numberka 113 ee gargaarka deg-dega ah, taas oo keentay inuu khadka ka baxo.

Hey´addaha caafimaadka ayaa dadka ugu baaqayo inay la xiriiraan xarumaha «Legevaktaha» ee deegaanka ay deganyihiin, hadii ay dareemaan shaki qabitaanka hargabka ku saabsan.

Xigasho/kilde: Tre nye personer har testet positivt på koronaviruset i Oslo og Bærum. Det bekrefter Folkehelseinstituttet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments