Maxkamada sare oo xukuntay kiis haweenay aflagadeeysay gabar soomaali ah.

0
83
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada sare ee dalkan Norway ayaa haweenay 71-sano jir ku xukuntay 24 maalmood oo xabsi ay shuruud ku xirantahay ah, kadib markii lagu helay inay aflagaado shaqsiyeed oo cunsuriyad ay ku dheehantahay ay u geysatay gabar dhalinyaro soomaali ah. Waxaana u raaca ganaax lacageed oo dhan 25.000 kr.

Haweeneydan ayaa aflagaado cunsuriyadeed u geysatay Sumaya Jirde oo ah gabar dhalinyaro soomaali ah, ahna qoraa iyo gabyaa caan ka ah warbaahinta Norway.

Xukunka maxkamada sare ayaa wax ka yar ka hooseeyo xukunkii maxkamada racfaanka iyo tan hoose oo labaduba haweeneydan 71-jirka ah ku xukumay inay gasho xabsi aysan shuruud ku xirneyn.

Xukunka maxkamada sare ee kiiska Sumaya Jirde iyo haweeneydan ayaa noqon doono mid taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horeysay oo maxkamada sare ay qaado kiis la xiriira aflagaado cunsuriyadeed laga geystay baraha bulshada.

Xigasho/kilde: 71-åring dømt for å ha kalt Sumaya «fandens svarte avkom» og «korrupt kakerlakk»

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments