PST-da oo haweeneydii Frp xukuumada ka bixisay xabsiga u wareejiyay.

0
86

Sida ay hey´adda sirdoonka Norway ee PST-du u xaqiijisay wargeyska VG, hey´adda PST-da ayaa haweeneydii Daacishnimada ku eedeysneyd u wareejisay xabsiga dhexe ee caadiga, iyaga oo ka kaxeeyay isbitaalka Ullevål oo ay xabsi guri ahaan kumeel gaar ugu xirneyd.

Sheekada iyo kiiska gabadhan hooyadan 29-jirka ah ayaa isbuucyadii tagay aad xiisad uga dhalisay siyaasada iyo warbaahinta Norway. Taas oo sababtay in xisbigii Frp oo kiiskeeda cuskanayo ay sheegeen inay isaga baxeen xukuumada Erna Solberg.

29-jirkan ayaa ku eedeysan kamid noqosho urur argagaxiso qeybqaadasho falalkooda. Waxaana laga soo qaaday xero kutaal dalka Siiriya, iyada iyo labo ilmood oo ay dhashay. Aabaha ilmahan oo isna heysta dhalashada Norway ayaa ku dhintay duqeyn ay geysteen diyaaradaha Mareykanka.

Wiilka haweeneydan oo xanuunsanaa darteed ayaa sababay in dowlada Norway ay sheegtay inay u fidisay gargaar bini-aadanimo, ayna Norway usoo qaataday.

Hada waxey su´aalo badan ka taaganyihiin jiritaanka ama run ahaanshaha iyo wiilka haweeneydan uu xanuunsanaa, iyada oo siyaasiyiin badan ay dalbanayaan in la xaqiijiyo xanuunka wiilka ay haweeneydan dhashay oo sabab u ahaa in Norway loo soo celiyo hooyadii.

Xigasho/kilde: IS-siktet kvinne overført til fengsel

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments