onsdag, april 17, 2024

Daawo: Afar qof Soomaali ah oo ku geeriyooday dab ka kacay Minneapolis.

Dab xooggan ayaa ka kacay dhismo ay deganaayeen dad u badan Soomaali, kaasi oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Wararku waxay sheegayaan in dabkan uu si gaar ah uga kacay dabaqa 14-aad ee dhismo ka kooban 25 dabaq, waxaana la sheegay in halkaasi ku dhinteen Shan qof oo Afar qof kamid ah ay soomaali yihiin, sidey sheegeen Soomaalida ku nool magaaladaasi.

Maxamuud Noor oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka degmada Minnesota ayaa sheegay in dadka badankood ay u geeriyoodeen Neefta oo ku xirantay sababo la xiriira qiiqa dabka oo aad u badnaa dartiis.

Booliska magaalada ayaa wali wado baaritaanada la xiriira xaqiijinta sababta dabka kicisay iyo qaabka ay ku kacay.

Xaafaddan uu dabka ka kacay ayaa loo yaqaanaa Muqdisho yareey, marka la’eego sida ay Soomaalidu ugu badan yihiin.


Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x