(Xog): Muxuu salka ku hayaa khilaafka sababay in masaajidka Towfiiq laga goosto taageerada dhaqaale ee dowlada.

1
225

Isbuucyadii ugu danbeeyay waxaa baraha bulshada iyo goobaha ay soomaalida Norway ku kulanto si aad ah looga hadalhayay khilaaf mudo soo jiitamayay oo soomaalida Oslo ka dhex taagan, kuna saabsan maamulka masaajidka Towfiiq.

Sida ay NorSom News xaqiijisay, Khilaafkan oo xoogiisu uu hada soo socday mudo sanad kor u dhaafeyso, ayaa ugu danbeyn sababay in dowlada Norway ay si kumeel gaar ah taageerada dhaqaale uga joojiso maamulka masaajidka Towfiiq.

Waxaana sidoo kale naloo xaqiijiyay in joojinta taageerada dhaqaale ee masaajidku, ay sababtay in si kumeel gaar ah uu shaqada u joojiyo imaamka masaajidka iyo qaar kamid ah howlwadeenadiisa, si waafaqsan sharciga shaqada iyo shaqaalaha Norway(A.M.L).

Khilaaf salka ku hayo qabiil:

Khilaafka soomaalida isku heysato maamulka masaajidka, ayaa sida muuqato salka ku hayo hanaanka qeybsiga kuraasta maamulka oo markiisii horeba lagu qeybin jiray hab qabiil. Taas oo hada ay qaarkood aaminsanyihiin in laga kuraas badsaday, halka kuwana ay aaminsanyihiin in hanaanka qeybsigu uu ku dhacay si waafaqsan xeerarka awalba ay soomaalida Oslo wax ku qeybsan jireen.

Soomaalida maamulka masaajidka isku heysato ayaa waraaqo kala duwan u diray hey´addaha dowlada iyo maamulka gobolka Oslo, kuwaas oo mid walba uu goonidiis u sheegtay inuu yahay maamulka la doortay ee masaajidka. Dowlada oo waraaqahaas markii hore midba gooni u qabatay, ayaa ugu danbeyn soomaalida kusoo celisay waraaqihii ay kala direen, waxeyna dowladu codsatay in lasoo kala cadeeyo maamulka dhabta ah ee masaajidka, hanaanka doorashada, xeerka masaajidka iyo habraaca qeybsiga maamulka.

Sidoo kale waxaa NorSom News ay xaqiiqsatay in waraaqaha ay soomaalidu dowlada u kala direen ay sababtay, in soomaalida laga codsado inay kasoo jawaabaan dhowr su´aalood oo la xiriira hanaanka xisaabaadka iyo lacag isweydaarashada labada qeybood ee masaajidku uu ka koobanyahay(Dhismaha guriga masjidka iyo ururka masaajidka maamula).

Marka laga tago waraaqaha ay soomaalida kala direen, waxaa jiro eedeymo waaweyn ay suuqa isku marinayaan, taas oo ay adagtahay in halkan lagu soo gudbiyo iyada oo loo heynin cadeymo rasmi ah. Waxaana jirto in masaajidka dhexdiisa ay bilihii lasoo dhaafay ka dhaceen dhowr ismaandhaaf oo sababay buuq masaajidka dhexdiisa ka dhashay. Waxaana xiliyada qaarkood masaajidka soo galayay boolis, si ay u kala celiyaan soomaalida is heysato.

Sida ay NorSom News ka xaqiiqsatay dad xog ogaal ah, waxaa guuldareystay dhowr iskuday oo odoyaasha Oslo iyo waxgaradka magaalada ay damceen in arintan soomaalida dhexdeeda, si soomaalinimo ah ay ku xaliyaan. Taas oo markii danbe sababtay in la isku daawado soomaalida is heysato, waxeyna ugu danbeyn iskala dhaceen xafiiska gudoomiayaha gobolka Oslo. Waxaa sidoo kale dhici karto in hadii soomaalidu ay dhexdooda heshiis waayaan, arintan ay gaarto maxkamada magaalada.

Marka laga tago joojinta taageerada dhaqaale ee masaajidka, waxaa si caadi ah u socdo howlaha uu masaajidku u qabto bulshada ku xiran, mana jirto wax saameyn oo muuqdo oo ilaa hada dhaqaalaha la joojiyay uu ku yeeshay howlmaameedka caadiga ah ee masaajidka.

Soomaalida isku heysato maamulka masaajidka ayaa u muuqdo kuwo ku fara-ciyaaraya miino(bombo) aysan ogeyn ogeyn goobta, xiliga iyo qofka ay ku qarxi doonto. Waxaase la hubaa in saameynta ka dhalata arintan ay sumcad daro weyn usoo jiidi karto bulshada soomaaliyeed ee wadanka ku dhaqan Norway, iyo guud ahaan bulsho weynta muslimiinta ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments