Xisbiga Ap oo guuldaro la filayay ay kasoo gaartay doorashadii shaley.

0
196
Foto: Twitter

Xisbiga shaqaalaha Ap oo ah xisbiga ugu weyn xisbiyada siyaasada Norway, ayaa guuldaro weyn ay kasoo gaartay doorashadii shaley ee golaha deegaanka. Guuldaradaas ayaa aheyd mid la filayay, maadaama saadaasha codbixinadii hordhaca ahaa, ay ahaayeen kuwo sheegayay in Ap uu lumiyay taageerada iyo kalsoonida kumanaan qof.

Ap ayaa guud ahaan helay 20,1 %, natiijadaas oo 11 % ka yar tii ay heleen doorashadii 2015.

Xisbiyada siyaasad ahaan ka agdhow Ap, sida Sv, Rødt iyo MDG ayaa baalaha kala baxay xisbiga Ap, iyaga oo kaxeystay kumanaan kamid ah taageerayashii horey codadka u siin jiray Ap.

Dhamaan xisbiyada ka aghdow Ap, ayaa guulo la taaban karo kasoo hoyay doorashadan, gaar ahaan xisbiga MDG oo sanadkan guul lama filaan ah kasoo hoyay doorashada.

Doorashadan ayaa noqoneyso tii labaad oo isku xigto oo xisbiga Ap uu la kulmo wajigabax. Doorashadii baarlamaanka ee sanadkii 2017, ayay sidoo kale Ap la kulmeen jab xoogan oo kii xaley oo kale ah.

Xigasho/kilde:https://www.vg.no/nyheter/innenriks/i/naXRdo/valgforskere-om-valgresultatet-en-voldsom-maktforskyving?utm_source=vgfront&utm_content=row-1

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments