onsdag, april 24, 2024

Waa Macalin darawalnimo, wuxuuna kamid ahaa xulkii ka adkaaday Zimbawi

Isha warka: BBC-SOMALI

Difaaca xulka qaranka Soomaaliya, oo macallin darawalnimada dadka bara ka ah magaalada Manchester Maxamuud Cali wuxuu ka qeyb qaatay mid ka mid ah guulihii taariikhiga ahaa ee ugu weynaa kubadda cagta caalamiga ah.

Macallin kasta oo dhinaca darawalnimada ah ma sheegan karo inuu qeyb ka noqday taariikh lama illoobaan ah oo dhinaca kubadda cagta adduunka ah.

Laakiin Maxamuud Cali, oo sidoo kale ka tirsan kooxda Curzon Ashton ee dalka Ingiriiska waxay arrinta sidaas u weyn qeyb ka ahayd shaqadii uu ku qabtay hal isbuuc gudihiis.

Habeen walba oo ka mid ah isbuucii dhammaaday isku mid uma ahayn Maxamuud.

Macallinka Darawalnimada 

Maxamuud Cali, oo ka ciyaara tartanka National League North ee dalka Ingiriiska ayaa waxa uu leeyahay Iskuul lagu barto wadista baabuurta oo ku yaalla magaalada Manchester.

Wuxuu difaaca dhexe ee dambe kooxda uga ciyaarayay guud ahaan waqtigii ay socotay ciyaartaas.

Walaalkiis oo lagu magacaabo Axmed ayaa isagana ahaa kabtanka kooxda, wuxuuna ahaa ninkii dhiibay sababtana u ahaa kubaddii shabaqa la dhex dhigay ee goolka guusha noqotay.

Muxuu Maxamuud ku yiri ardaydii uu barayay darawalnimada?

«Waxaan u sheegay ardaydeyda inaan kasoo qeyb galayo ciyaar caalami ah oo ka tirsan kubadda cagta, dabcan waxay rabeen inaan usii wado cashirrada ku saabsan darawalnimada, laakiin dhammaantood way la dhacsanaayeen howsha aan u socdo anigana waxaan u xaqiijiyay inaan si dhaqso ah ugu soo laaban doono», ayuu yiri Maxamuud, oo 25 jir ah.

«Taageeradu waxay ahayd cajiib. Waxaa aad naloogu hadal hayay Twitter-ka adduunka oo dhan ka dib markii ay ciyaartu dhammaatay. Waxay ahayd guul aad u weyn sababtoo ah Zimbabwe waa kooxda ugu sarreysa dhinaca liiska Fifa ee ka qeyb qaadaneysa isreebreebka heerkan ah, annaguna waxaan nahay kooxda ugu hooseysa liista kooxaha ku hardamaya heerkan. 

«Ma jirin cid fileysay inaan guuleysan doonno, haddii aan ka gudubno guruubyadana waxay noqon doontaa guul aan la rumeysan karin marnaba. Laakiin haddaba taariikhda waan sii galnay».

Maxamuud Cali wuxuu sheegay in natiijadan ay ku timid dadaal uu qof walba dhankiisa ka sameeyay.

Difaaca ayaa yiri: «Waxay ahayd xaalad dareenka kicineysa, oo waliba aad u kicineysa, annagoo og in malaayiin qof ay naga daawanayaan meel kasta oo ka mid ah caalamka, walaalkey wuxuu baasay kubaddii goolka lagu dhaliyay, waxaana helnay fursad aan aniga iyo asaga laabta isku galinno garoonka dhexdiisa».

«Waalidiinteenna waxay ku dhasheen Soomaaliya, waxayna aad ugu farxeen inaan waddanka hooyo gaarsiinnay heerkaas. Waxaan rabnaa inaan taariikh kale lasii sameyno xulka Qaranka».

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x