Soomaalidan ayaa ilaa hada soo gashay goloyaasha deegaanka magaalooyinka Norway:

0
183

Waxaa gabo-gabo mareynsa tirinta natiijada codadka doorashadii dhacday isniinta. Iyada oo meelaha qaarkood aysan wali cadeyn qaabka ay xisbiyadu u qeybsan doonaan kuraasta goloyaasha deegaanka.

Balse magaalooyinka qaarkood ayaa soo saaray liiska xubnaha kamid noqon doono goloyaasha deegaanka, waxaana kasoo dhex saarnay musharaxiinta asal ahaan soomaalida ah. Waana kuwan qaar kamid ah ama inta ilaa hada la xaqiijiyay inay ku guuleysteen kuraasta goloyaasha deegaanka:

Gjøvik-Oppland:

Cabdulaahi Yuusuf Nageeye ayaa sanadkan ku guuleystay kamid noqoshada golaha deegaanka degmada Gjøvik ee gobolka Oppland ee dalkan Norway. Nageeye ayaa katirsan xisbiga Sp, wuxuuna inta la ogyhaya taariikhda noqon doonaa soomaaligii ugu horeeyay ee jago weyn oo siyaasadeed ugu guuleysta xisbiga Sp.

Fredrikstad:

Maxamed Warsame, Maxamed Camaleeti iyo Muxyidiin Cabdi oo dhamaantood Ap katirsan. Maxamed Warsame iyo Muxyidiin horey ayay uga tirsanaayeen golaha deegaanka magaalada Fredrikstad, balse waxaa sanadkan kusoo biiray Maxamed Camaleeti oo kamid ah ururka dhalinyarada xisbiga shaqaalaha ee Ap.

Bergen:

Cabdulaahi Elmi iyo Aamina Amiin oo labuduba xisbiga Ap katirsan. Bergen oo ah magaalo ay soomaalidu Aad ugu badantahay, ayaa sanadkan markii ugu horeysay yeelan doonto xildhibaano soomaali ah oo ku matala golaha deegaanka.

Stavanger:

Ayuub Mukhtaar iyo Farxiya Bashiir Nuur oo labudaba katirsan xisbiga shaqaalaha. Farxiya ayaa horey uga mid aheyd golaha deegaanka Stavanger, halka Ayuub Mukhtaarna uu sanadkan ku cusubyahay.

Stange-Hedmark:

Xildhibaan Cabdirisaaq Xasan ayaa sanadkan makrii sadexaad loo doortay inuu kamid noqdo golaha deegaanka degmada Stange ee gobolka Hedmark. Cabdirisaaq ayaa kamid ah hogaanka xisbiga shaqaalaha ee gobolka Oppland.

Waxaa jiri karo xildhibaano kale oo asal ahaan soomaali ah, kuna guuleystay goloyaasha deegaanka magaalooyinka qaar. Balse aanan wali la shaacin.

Sidoo kale magaalada Oslo oo ay sanadkan ka sharaxnaayeen afar qof oo soomaali ah, ayaan wali la ogeyn in qof soomaali ah kusoo baxay iyo inkale.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments