Soomaali natiijada iskuulka badashay, si ay TAXI u wadaan oo la xukumay.

0
122

Sida uu qoray wargeyska Aftenposten, labo dhalinyaro soomaali ah ayaa midkiiba lagu xukumay xabsi gaaban iyo ganaax lacageed, kadib markii lagu helay danbi ah inay badaleen natiijada shahaadada dugsiga sare, si loogu ogolaado shaqada taksiga ee shirkada Oslo Taxi.

Dhalinyaradan soomaalida ah oo da´ahaan kala jira 24 iyo 25 sano, ayaa rabay inay codsadaan shaqada tagsiga ee shirkada Oslo Taxi, oo macaamiil ahaan ka shaqo badan shirkadaha kale ee tagaasida Oslo. Balse waxaa qofka rabo inuu wado baabuurta shirkadaas lagu xiraa shuruud adag oo aqoonta luuqada Norwiijiga, iyo inuu ugu yaraan natiijada 3 ka heysto imtixaanka luuqada Norwiijiga ah.

Aftenposten ayaa qoray in mid kamid ah dhalinyaradan uu natiijada 1(hal) ka heystay imtixaanka qoraalka ee luuqada Norwiijiga ah, balse uu badal ku sameeyay shahaadada dugsiga sare, wuxuuna natiijada imitixaanka qoraalka ee Norwiijiga ka dhigay 3, si uu u buuxiyo shuruuda aqoonta luuqada ee shirkada Oslo Taxi.

Shirkada Oslo Taxi ayaa 24-jirkaas ugu yeertay wareysiga shaqada, waxeyna sheegeen inay ka shakiyeen aqoontiisa luuqada oo aan u qalmin natiijada ku qorneyd shahaadada. Waxeyna gudbiyeen fariin ku saabsan inay ka shakisanyihiin shahaadada loo keenay, taas oo baaritaan kadib markii danbe keentay in dacwad maxkamadeed lagu soo oogo ninkan dhalinyarada soomaaliga ah.

Maxkamada ayaa markii hore ku xukuntay 14 maalmood oo xabsi ah iyo ganaax lacageed, balse maxkamada racfaanka ayaa xukunka 14 maalmood ku badashay mudo xabsiyeed ay shuruud ku xirantahay.

Ninka kale ee soomaaliga ah isna dhankiisa ayaa sidaas oo kale badalaad ku sameeyay natiijada imtixaanka afka Norwiijiga ee shahaadada dugsiga sare, si loogu ogolaado wadista baabuurta shirkada tagaasida ee Oslo Taxi.

Tone Tufte ee shirkada Oslo Taxi ayaa wargeyska u sheegay inay dhici karto inay jiraan dad badan oo aan la qaban, kuwaas oo badal ku sameeyay shahaadada dugsiga sare, si ay u helaan shaqada shirkadaas.

Dhowr sano kahor ayay aheyd markii sidan oo kale loo qabtay sodomeeyo qof oo heystay cadeynta wadista Tagsiga uu aan sax aheyn, kuwaas oo si caadi ah magaalada Tagaasi uga shaqeyn jiray.

Xigasho/kilde: Aftenposten: Forfalsker vitnemål for å kjøre taxi

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments