Siv Jensen: Dadka ceyrta qaata, waa in loo diidaa inay lacagta u xawilaan Dibadda.

0
150

Wasiirada maaliyada dowlada Norway, Siv Jensen, ahna gudoomiyaha xisbiga Frp, ayaa sheegtay in xisbigeedu uu rabo in lasoo rago nidaam dadka ceyrta qaata loogu diidayo in wadanka dibadiisa u xawilaan lacag.

Hadalka Siv Jensen ayaa yimid markii wargeyska Nettavisen uu hey´adda canshuuraha Norway kasoo xigtay in lixdii bilood ee ugu horeeyay sanadkan ay Soomaalida Norway degan, Soomaaliya u direen lacag dhan 280 milyan Kr.

Dhanka kale, waaxda tirokoobka ee SSB ayaa maalmo kahor warbixin ay soo saartay ku sheegtay in 42% soomaalida Norway degan, ay qeyb ahaan ama si buuxdo u qaataan lacagta kaalmada dhaqaale ee dowlada, ama ceyrta sida ay soomaalidu u taqaan.

Siv Jensen ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in qowmiyadaha qaato ceyrta ugu badan, ay wadanka ka diraan lacagta ugu badan. Isla markaana isla qowmiyadahaas ay caruurtoodu ku noolyihiin nolol saboolnimo ah, marka lala barbardhigo nolosha ilmaha kale.

Wasiirada ayaa raacisay in xisbigeedu uu rabo in qofka ceyrta qaata laga saxiixo heshiis ah in lacagtaas uusan wadanka dibadiisa u diri karin, laguna joogteeyo ilaalinteeda.

Haweenaydan hogaamiso Frp ayaa dhanka kale sheegtay in lacagta ceyrta loogu talagalay ilaalinta nolosha qofka iyo ilmihiisa, ayna muhiim tahay in lacagta loogu talagalay masruufka nolosha ilmaha aan loo dirin Soomaaliya ama meelo kale.

Hadalka kasoo baxay Siv Jensen ayaa kamid noqonayo hadalo joogto ah oo maalmahan ka imaanayay xisbiga Frp, kuwaas oo ku saabsanaa soo galootiga. Waxeyna kusoo aadeysaa xili xisbiga Frp la filayo in doorashada maanta dhaceyso ay soo gaarto hoos u dhac xoogan.

Xigasho/kilde: Frp vil nekte flyktninger på sosialhjelp å sende millioner tilbake til hjemlandet

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments