Sadex askari oo maxkamad loo soo taagay toogashada wiilkan xanuunsanaa.

0
106
Foto: Privat

Sadex askari oo katirsan booliska dalka Sweden, ayaa isbuucii hore maxkamad uga bilaabatay magaalada Stocklom, iyaga oo ku eedeysan dilka Eric Torell oo ah wiilka sawirka ka muuqdo.

Sadexda askari ayaa isku dar 25 xabadood ku furay Eric oo ahaa wiil maskax ahaan xanuunsan, kaas oo xiliga ay boolisku toogteen gacanta ku waday biskoolada caruurta.

Eric oo 20 sano jir ahaa ayaa qabay cudurka loo downs ee caruurta qaarkood maskax ahaan iyo jir ahaanba u saameeya.

Askarta booliska ah ee maxkamada la saarayo ayaa ku doodayo inay dhowr mar wiilka ku wargaliyeen inuu dhulka iska dhigo biskoolad uu gacanta ku heystay, oo markaas ay sheegeen inay u qaateen biskoolad run ah. Markii danbena ay naftooda u baqeen, taas oo ugu danbeyn keenyay inay xabadaha furaan.

Sadexda booliska ah oo shaqada laga fariisiyay inta uu socdo kiiska maxkamadan, ayaa maanta soo bandhigtay dhageysigooda. Waxeyna maxkamadeyntooda socon doontaa ilaa dhamaadka isbuucan.

Xigasho/kilde: Svensk politi forklarer seg om skyting mot 20-åring med Downs

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments