R.W Canada oo raali-galin ka bixiya sawir uu galay 18-sano kahor.

0
161
Reysulwasaaraha Canada, Justin Trudeau, iyo wasiirka soomaaliga ee dalka Canada, Axmed Xuseen.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayaa raalligelin ka bixiyay sawir uu galay ku dhawaad 20 sano kahor, kaas oo wajiga uu marsaday midabka «Buniga ah» (Madow xigeen).

Sawirka oo ku jiray buugga 2001, waxaa helay wargeyska Time Magazine, waxaana ka muuqda Mr Trudeau oo marsan midab madow xigeen ah oo gacmaha iyo wejiga uu marsaday, xilligaas oo uu ku sugnaa Iskuulka West Point Grey Academy.

Isagoo ka hadlayay sawirkaas, wuxuu Ra’iisul Wasaare Trudeau sheegay in «si qoto dheer uu uga qoomameynayo» ficilkiisa ayna «ahayd in uu si wanaagsan u fahmo».

Justin Trudeau wuxuu wajahayaa loollan adag oo doorasho ah, 21-ka bisha October.

Sawirka lagu heysto reysulwasaaraha.

Mr Trudeau oo ah wiilka ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Pierre Trudeau, wuxuu ahaa 29 sano jir markii uu ka qeyb galay xafladda gala ee iskuulka ku yaalla magaalada Vancouver.

Sawirka wuxuu siyaasad ahaan weji-gabax ku yahay ra’iisul wasaaraha sababtoo ah wuxuu sameeyay sharciyo wax ku ool ah mudadii uu xilka hayay.

Siduu Trudeau ku jawaabay?

Isagoo la hadlayay saxafiyiinta ka dib markii warbixinta wargeyska Time Magazine la daabacay, Mr Trudeau wuxuu sheegay inuu u lebistay sawirka oo ah dhaqanka Aladdin xilli uu ka qeyb galayay habeenka Carabta oo loo garanayo «gala».

«Aniga ayaa qaadaya masuuliyadda go’aankeyga aan arrintaas ku sameeyay. Ma ahayn in aan sidaa sameeyo.

«In aan si wanaagsan u garto ayey ahayd. Waa arrin aanan u maleyn in cunsuriyad ay tahay xilligaas, balse hadda waan gartay in ay tahay arrin la xiriirta cunsuriyad, aad ayaana uga xumahay.»

Muxuu yahay «wejiga bunniga ah»?

Sida «wejiga madow», «wejiga bunniga ah» wuxuu si cad u qeexayaa marka qof uu midabka wejigiisa baddalo oo uu madoobeeyo si uu ugu ekaado midabka qof kale.

Dhaqankaas waxaa lala xiriirinayaa bandhigyadii hore – oo la sameyn jiray qarniyadii la soo dhaafay – xilligaas oo jilaayaashii caddaanka ahaa ay wejiga marsan jireen midab madow, iyagoo iska dhigaya dadka madow ee Mareykanka, iyagoo ku xadgudbaya oo fikrado cunsurinimo sameynaya.

Dhowaanahan, waxaa jiray arrimo lagu dhalleeceeyay siyaasiyiin, dad caan ah, iyo shirkado, oo la xiriirta «wejiga madow», «wejiga bunniga ah» ama «weji jaalle ah».

Arbacadii, Mr Trudeau wuxuu sheegay in «ay tahay arrin aan caadi ahayn oo waxyeello u leh bulshooyiinka ku nool meelaha halista ah ee sidoo kale wajahaya faquuqa».

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments