Qowmiyada «Taiwanka» oo dowlada Norway kiis maxkamadeed ku furay.

0
95
Taiwan

Dadka kasoo jeedo maamulka aan wali la aqoonsan ee Taiwan, ayaa dowlada Norway ku furay kiis maxkamadeed. Maadaama ay sheegeen in dhalasho wadan kale oo aan kooda aheyn loo diawaan galiyay.

Sadex qof oo Taiwan u dhashay oo Norway degan ayaa dowlada Norway u diiwaan galisay inay Shiinaha kasoo jeedaan. Waxeyna sheegeen in Norway ay jabisay Qodobka 8-aad ee xeerka xuquuqul insaanka Yurub, maadaama dal aan dalkooda aheyn loo diiwaan galiyay.

Xuquuqda qofka ayaa sida uu dhigayo qodobka 8-aad, waxaa kamid ah sheegashada dalka uu u dhashay iyo in lagu tixgaliyo.

Norway ayaa kamid ah wadamada Taiwan aan u aqoonsan dal ahaan. Waxaana dadka u dhashay Taiwan loo aqoonsanyahay inay kasoo jeedaan Shiinaha oo maamul ahaan ay Taiwan hoos tagto.

Norway ayaa mar kale ka fiirsaneyso inay sameyso talaabo ka xanaaqisa dalweynaha Shiinaha, maadaama uu Shiinuhu yahay dal ganacsi ahaan muhiim u ah Norway.

Shiinaha ayaa Norway ka goystay xiriirka diblimaasiyaadeed, kadib markii sanadkii 2010 bilada Nabada la siiyay Liu Xiaobo oo ku xirnaa xabsi kuyaal Shiinaha. Waxeyna dhowr sano kadib ku guuleysteen inay dib usoo celiyaan xiriirkooda.

Xigasho/kilde: Taiwanere i Norge saksøker staten – vil ikke bli stemplet som kinesere

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments