NRK: Ereteriyaanku waxey xusayaan, isla sababtii ay sheegteen inay dalkooda uga soo qaxeen.

0
91

TV-ga qaranka dalka Norway ee NRK ayaa warbixin muuqaal ah ka diyaariyay xaflad jaaliyada dalka Ereteriya ay ugu dabaaldageyso maalinta xuska sadexda August, oo ah maalinta la aas-aasay xerada tababarka ee Sawa.

Sadexda August ayaa sida uu warbixinta NRK ku sheegay ku beegan maalinta dowlada Ereteriya ay soo rogtay shaqada qaranka(Milatariga qasabka ah). Taas oo sababtay in dad badan ay kasoo cararaan dalkaas, sabab la xiriirta shaqada adag ee waajibka ah ee xerada SAWA dhalinyarada lagu marsiiyo.

NRK ayaa warbixintooda ku sheegay in Ereteriyaanka ugu badan ay Norway magangalyo ka heleen, kadib markii ay sheegteen inay inay kasoo qaxeen tababarka xerada Sawa iyo shaqada qaranka. Balse isla ayadii ayay hadana Norway ugu dabaaldagayaan.

Sawiro laga qaaday goobta ay xafladu ka dhaceysay ayaa muujinaya dad xiran Dharka ciidanka, Isla Markaana sameynaya gaardiska iyo salaantii ay kusoo barteen xerada tababarka SAWA.

Waxaana sidoo kale xaflada kala qeybgalay Yemane Gebreab oo ah la taliyaha madaxweyne Afawarqi, kana mid ah dadka ugu awooda badan dalka Ereteriya.

NRK ayaa warbixintooda ku sheegay in Norway ay kunoolyihiin 22.000 qof oo Ereteriya kasoo jeedo, kuwaas oo badankooda yimid wixii ka danbeeyay sanadkii 2001 oo ah xiliga xeradaas la furay.

Xigasho/kilde: Norsk-eritreere dro på fest for regimet de flyktet fra

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments