Jawaab: UDI-du maxey shaley ka sheegtay go´aankii UNE ee isbuucyo kahor soo baxay.

0
142
Agaasimaha UDI-da : Frode Forfang

«Jawaabta su´aal ilaa shaley nala soo weydiinayay»

Hey´adda dowlada Norway u qaabilsan qoxootiga magaceeda loo soo gaabiyo UDI, ayaa shaley kulan la qaadatay soomaalida kunool Norway, gaar ahaan Oslo.

Shaqaalaha hey´addahan oo ay weheliyeen turjumaano soomaali ah, ayaa shaley sharaxaad ka bixiyay qodobo ay kamid yihiin, kiisaska ay UDI-du sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameynayaan baahida magangalyo ee qofka.

Waxey shaley mar kale sheegeen inay ku wareersanyihiin, kuna adagtahay qaabka loo fasirayo iyo habraaca loo marayo qiimeynta saameynta nabadgalyada Soomaaliya, iyo sida ay u saameyn karto baahida magangalyo ee qofka. Iyo waliba xiliga laga soo bilaabayo qiimeynta nabadgalyada koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

UNE: Wixii ka horeeyay 27-Maarso 2017 saameyn kuma lahan.

Shaqaalaha UDI-da ee shaley sharaxaada Soomaalida siinayay ayaa sheegay in labadii sano ee ugu danbeysay ay su´aal ka taagneyd xiliga laga bilaabayo dib u qiimeynta magangalyada, iyo sida loo fasiri karo go´aanka wasaarada cadaalada ee soo baxay bishii Maarso sanadkii 2016.

UDI-da ayaa shaley sheegay in isbuucyo kahor ay heleen go´aan ka yimid hey´adda iyaga ka sareysa ee UNE, kaas oo sheegaya in dadka shuruudaha degenaanshaha buuxiyay wixii ka horeeyay 27-kii Maarso sanadkii 2017, isla markaana codsaday degenaansho, uusan saameyn ku laheyn go´aanka dib u qiimeynta. Isla markaana ay xaq u yeelan karaan degenaansho.

Waxeyna sheegeen in tan iyo markii warqadaas lasoo gaarsiiyay ay gabi ahaanba istaajiyeen ka shaqeynta kiisaskaas, ayna waraaq u direen wasaarada cadaalada, iyaga oo wasaarada cadaalada ka codsaday in sharaxaad laga siiyo qaabka go´aanka UNE loo fasiri karo, iyo qaabka arintaas ay saameyn ugu yeelan karto kiisaska ay hayaan. Waxeyna soomaalidii kulanka joogtay u sheegeen inay ku dadaaleen inay jawaab ka helaan wasaarada cadaalada kahor inta aysan soomaalida la kulmin, balse wali aysan wax jawaab ka helin wasaarada.

Waxey shaley mar kale soomaalida u qirteen in iyagu ay yihiin shaqaale dowladeed oo aan madax banaaneyn, isla markaana aan go´aan iskood u gaari karin, ilaa ay ogolaansho ka helaan wasaaradaha ka sareeyo ee hey´addaas ay hoos tagto, gaar ahaan wasaarada cadaalada.

F.G: Akhristayaasha, Wixii su´aal ah ee kiisaskan iyo guud ahaan arimaha kale ee qoxootiga ama magangalyada ku saabsan, fadlan kala xiriir qareen, hey´addaha qoxootiga sida NOAS, ama hey´adda ay markaas khuseyso. Kaagama jawaabi karno su´aalahaaga gaarka ah, mana heyno warbixino dheeri ka ah kuwa aan warbaahin ahaan u qorno, ama aan meelaha kale kasoo xigano.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments