Goormee la ogaan doonaa soomaalida soo gashay golayaasha deegaanka?

0
210

Waxaa wali socoto tirinta kama dambeysta ah ee natiijada doorashadii shaley ka dhacday guud ahaan dalkan Norway. Iyada oo ilaa hada la tiriyay 60%-70% codadkii la dhiibtay, halka wali ay dhimanyihiin degmooyin badan.

Magaalada Oslo oo ah meesha ay soomaalida ugu badan degantahay Norway, waxaa sanadkan ka sharaxnaa 4 qof oo sadex kamid ah ay dhalinyaro siyaasada ku cusub yihiin. Sadex kamid( Fawzi, Kaafiyo iyo Ubah) ah waxey ka socdeen xisbiga Ap, halka qofka afaraadna uu ka socday Sv(Abdi).

Sidoo kale magaalooyinka Bergen, Stavanger, Kristiand, Fredriksad , Lillehamar iyo magaalooyinka kale ee wadanka, waxaa sanadkan ka sharaxnaa siyaasiyiinta Soomaali ah.

Goormee la ogaan doonaa:

Ilaa hada lama ogaan karo xubnaha xisbiyada usoo galay goloyaasha deegaanka, maadaama wali aan si rasmi loo shaacin natiijada doorashada iyo qaabka ay xisbiyadu u qeybsan doonaan kuraasta golaha deegaanka.

Sida muuqato, soomaalida katirsan xisbiga Ap ee Oslo ayay sanadkan ku adkaan doontaa inay soo galaan golaha deegaanka ee Oslo. Maadaama xisbiga Ap uu lumiyay 7 kursi oo kamid ah golaha deegaanka Oslo. Taas oo keeni doonto in tartanka adag loo galo labada kursi ee Ap usoo hartay.

Maalmahana soo socdo ayaa si rasmi ah loo ogaan doonaan guud ahaan sida kuraasta goloyaasha deegaanka loo qeybsan doono, iyo tirada soomaalida sanadkan ku guuleysatay kamid noqoshada goloyaasha deegaanka.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments