Frp iyo Venstre oo markale qoorta iskula jira.

0
104
Abid Q. Raja. Foto: Stortinget.no

Warbaahinta dalkan Norway ayaa maalmihii ugu danbeysay aad u hadalheysay hadalo toos ah oo hawada ay isku marinayaan siyaasiyiinta katirsan xisbiyada Venstre iyo Frp iyo labaduba ka wada tirsan xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg.

Khilaafkan u dhaxeeyo labadan xisbi ee warbaahintu ay hadal heyso ayaa bilowday, kadib markii Abid Raja oo katirsan xisbiga Venstre oo weerar ku qaaday xisbiga Frp ee xukuumad wadaaga ay yihiin. Isaga oo ku eedeeyay inay hadalo aan sax aheyn ka sheegaan xaalada wadanka, sawir qaldana ay ka bixiyaan dadka laga tiro badanyahay. Wuxuuna Erna Solberg ka codsaday inay arintaas wax ka qabato.

Siyaasiyiin katirsan xisbiga Frp ayaa sheegay in Abid Raja uu ka badbadinayo, iyaga oo ugu baaqay in xisbigiisa ay isaga baxaan xukuumada Erna Solberg, hadii aysan ku qanacsaneyn qaabka ay wax u socdaan. Waxeyna si toos ah weerar ugu qaadeen Abid Raja oo asal ahaan Pakistani ah, iyaga oo sheegay inuu sawir qaldan ka bixinayo Frp, kana dhigayo xisbi xagjir ah.

Khilaafka labadan xisbi ayaa noqonayo kii labaad bil gudaheed, iyaga oo maalmo kahor doorashadii golaha deegaanka, sidan oo kale madaxa iskula jiray. Khilaafkaas oo sababi gaaray in xukuumada Erna Solberg ay dhacdo.

Labadan xisbi oo aragti ahaan kala fog, Ayaan la ogeyn qaabka ay ku dhameysan doonaan inta ka harsan mudo xileedka xukuumada Erna Solberg.

Waxaa xusid mudan in labaduba uu ku yimid hoos u dhac balaaran doorashadii golaha deegaanka ee isbuuc kahor dhacday.

XIgasho/kilde: Jensen om Raja-leserbrev: – Langt over streken

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments