fredag, april 19, 2024

Follo: Aabe qirtay qeyb kamid ah isku deyga dilka gabadhiisa.

Maxkamada Follo ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwad ka dhan ah aabe iyo afar xubnood oo qoyskiisa kamid ah, kuwaas oo ku eedeysnaa isku dil oo lakula kacay gabar uu aabaha eedeysanaha dhaley.

Aabaha 47 sano jirka ah oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Afgaanistaan, ayaa qeyb ahaan qirtay danbiga isku deyga dilka ah ee lagu eedeeyay. Inkasta oo uu iska fogeeyay eedeynta ah in ujeedkiisu uu ahaa inuu gabadhiisa dilo.

Gabadha uu odeyga dhalay, ayaa xiligaas jirtay 18 sano. Waxeyna ka badbaaday labo mindiyood oo lagu dhuftay. Waxeyna xeer ilaalintu ay sheegtay in falkaas kahor, ay gabadhaas la kulantay jirdil iyo tacadi kaga imaanayay labadeeda waalid, walaasheed iyo labo wiil oo la dhalatay.

Xeer ilaalinta ayaa kiiskan usoo bandhigay, inuu kamid yahay gaboodyada la xiriira sharaf ilaalinta qoyska(æresvold). Waxeyna sheegeen in gabadha ka badbaaday isku deyga dilka ah, ay kasoo guurtay guriga qoyska, ayna yeelatay saaxiibo Norwiiji ah, dhaqankana Norwiijigana ay baratay. Taas oo ka careysiisay qoyska gabadha dhalay, ugu danbeyna keenay falka isku deyga dilka ah ee gabadhu ay ka badbaaday.

Qareenka u doodayo qoyska, ayaa dhankiisa sheegay in falka dhacay uusan wax xiriir ah la laheyn ilaalinta sharafta qoyska, balse uu ahaa mid iskiis ah u dhacay, xiriirna aan la laheyn arinta ay xeer ilaalintu qoyska ku eedeysay. Aaabaha qoyska ayaa sidoo kale sheegay inay xiligaas heysteen cadaadis uga imaanayay meelo kale.

Qoyska maxkamada lasoo taagay ayaa Norway qoxootinimo kusoo galay sanooyin kahor.

Xigasho/kilde: Far erkjenner delvis skyld for drapsforsøk på datteren

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x