Booliska oo dalbaday in Keshvari lagu xukumo sanad iyo bar xabsi ah.

0
133
Foto: Stillebilde/Youtube

Xeer ilaalinta booliska ee gacanta ku heysa, isla markaana dacwada kusoo oogi doono xildhibaan Mezyar Keshvari, ayaa dalbaday in Keshvari lagu xukumo sanad iyo bar xabsi ah.

Keshvari ayaa ku eedeysan khiyaano wax is daba maran dhaqaale oo daran, wuxuuna qirtay inuu golaha baarlamaanka Norway ka khiyaanay lacag dhan 450.000 kr. Lacagtaas ayaana ka badan tii markii hore lagu heystay oo aheyd ilaa 290.000 kr. Halkan kasii akhri

Xildhibaankan katirsan Frp ayaa ku eedeysan inuu golaha baarlamaanka u gudbin jiray waraaqo uu ku dalbanayo in dib loogu soo celiyo qarashaad kaga baxay safaro uu ku kala bixiyay gobolada. Balse baaritaan uu sameeyay wargeyska Aftenposten, ayaa lagu ogaaday in safaradaas ay ahaayeen kuwo aan jirin, Keshvarina uu baarlamaanka lacago been ah ka qaadan jiray.

Xildhibaankan asal ahaan kasoo jeedo dalka Iiraan ayaa lasoo taagi doonaa maxkamada Romerike 18-ka bisha October ee sanadkan.

Xigasho/kilde: Krever halvannet års fengsel for Mazyar Keshvari

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments