Trump oo sabab la yaab leh darteed u baajiyay safar uu ku imaan lahaa Denmark.

0
168

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo lagu waday in bilowga bisha danbe uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Denmark, ayaa saaka qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay inuu safarkaas baajiyay.

Trump ayaa isbuucii hore soo jeediyay in Denmark ay dowlada Mareykanka ka iibiso jaziirada Grønland ee dhacda cirifka Woqooyi ee aduunka. Jaziiradaas oo maamul ahaan kamid ah Denmark, ayaa waxaa kunool ilaa 50.000 qof.

Dowlada Denmark ayaa ku gacan seyrtay soo jeedinta Mareykanka ee ku aadaneyd in Jaziirada Grønland laga iibiyo. Waxeyna ku tilmaameen wax caqliga caadiga ah uu diidayo.

Trump oo ka xanaaqsan diidmada dowlada Denmark ayaa saaka bartiisa Twitterka kusoo qoray in maadaama reysulwasaaraha Denmark aysan rabin inay kala hadasho iibinta Jaziirada Grønland, sidas darteedna uu ka noqday safarkiisii uu ku imaan lahaa Denmark.

Arintan ayaa saaka ah mid Aad looga hadal hayo dhamaan warbaahinta caalamka ah, waxaa hab dhaqanka madaxweynaha Mareykanka lagu tilmaamay mid ciyaalnimo ah.

Xigasho/kilde: Donald Trump avlyser besøk til Danmark

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments