Trump: Denmark si aanan ka mudneyn, ayay noola hadleen.

0
117
Mette Frederiksen iyo Donald Trump

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa isbuucan baajiyay safar lagu waday inuu ku tago dalka Denmark, kadib markii madaxda dalkaas ay diideen qorshe uu Trump soo jeediyay.

Trump ayaa soo jeediyay in Denmark ay Mareykanka ka iibiso Jaziirada Grønland oo ah maamula iskiis u madax banaan, balse mammul ahaan hoos taga Denmark.

Reysulwasaaraha Denmark, Mette Frederiksen ayaa sheegtay in Jaziiradaas aysan iib aheyn, kahor inta aysan dhageysan qorshaha Trump oo rabay inuu kala hadlo suurtogalnimada in Jaziirasdaas Mareykanka laga iibiyo.

Waxeyna arintaas ka xanaajisay madaxweynaha Mareykanka Trump. Isaga oo warbaahinta u sheegay in dal Mareykanka oo kale ah, aysan aheyn in sidaas loola hadlo, wuxuuna madaxda Denmark ku eedeeyay ineysan wax xurmad ah u heynin Mareykanka.

Reysulwasaaraha Denmark Mette Frederiksen oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay ineysan rabin la muranka Trump, balse ay kaliya u sheegtay xaqiiqada ah in Jaziiradaas aysan iib aheyn.

Dad badan ayaa Trump ku eedeeyay inuu u dhaqmayo sidii qof caruur ah, uuna mar walba halis galinayo xiriirada ay Mareykanku la leeyihiin dowladaha kale ee dunida.

Xigasho/kilde: Trump fyrte løs mot Danmark – nå får han høre det: – Du er patetisk

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments