Støre: Diyaar Ayaan u nahay inaan xukunka qabsano, hadii ay heshiin waayaan.

0
91

Maalmihii ugu danbeeyay, wuxuu buuq xoogan iyo khilaaf ka dhex taagnaa xisbiyada afarta ah ee ka wada tirsan xukuumada Solberg. Buuqaas ayaa salka ku haya sida ay dowladu u adeegsaneyso lacagta kasoo xarooto jidgooyada lacagta(Bompenger).

Frp ayaa kulankoodii qaran ku ansixiyay qorshe ku saabsan sida lacagtaas loo adeegsanayo, halka Venstre ay diideen.

Arintan Ayaan keentay khilaaf khal khal galiyay wada shaqeynta afarta xisbi ee ku mideysan maamulada xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg.

Khilaafkan u dhaxeeyo xisbiyada dowlada ayaan wali la xalin, iyada oo sadex isbuuc oo kali ah ay naga xigto doorashada golaha deegaanka ee Norway.

Støre: Diyaar Ayaan nahay.

Dhanka kale gudoomiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Ap, Jonas Gahr Støre ayaa sheegay in xisbigiisu uu diyaar u yahay inuu la wareego hogaanka xukuumada, hadii ay dhacdo xukuumada Solberg.

Støre ayaa sheegay in xisbigiisu uu mar walba diyaar u yahay inuu qabto hogaanka dalka, hadii xukuumada Solberg weyso kalsoonida xisbiyada kujiro dowladeeda.

Xigasho/kilde: På direkte spørsmål bekrefter Arbeiderpartiets leder Jonas Gahr Støre at partiet alltid er klart for å ta over makten ved en eventuell regjeringskrise.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments