Solberg: Waxaan qiimeyneynaa diyaarinta qorshe ka dhan ah islaam naceybka.

0
161

Reysulwasaaraha Norway ayaa sheegtay in dowladeedu ay u furantahay diyaarinta qorshe howleed ka dhan islaam naceybka.

Arintan ayaa kusoo aaday maalmo kadib weerarkii lagu qaaday masaajidka Al Noor ee magaalada Bærum. Halkaas oo 21 jir Norwiiji ah uu isku dayay inuu dil ka geysto, balse waxaa ku guuleystay inay ka hortagaan dadkii masaajidka ku sugnaa.

21-jirkan ayaa sidoo kale dil u geystay walaashiis oo 17-sano jir aheyd, kajor inta uusan masaajidka soo aadin.

In la helo qorshe howleed ka dhan islaam naceybka ayaa marar badan horey waxaa dowlada uga codsaday ururada islaamka, kuwa ka shaqeeyo ka hortaga tagoorida diimaha iyo xisbiyada mucaaradka ah.

Xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg ayaa ugu danbeyn hada sheegtay inay u furantahay in la helo qorshe howleed ka dhan islaam naceybka Norway kusii kordhaya. Waxaana go´aankaas ku taageersan qaar kamid ah xisbiyada katirsan xukuumadeeda wadaaga ah.

Xigasho/kilde: Solberg åpen for handlingsplan mot muslimhat

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments