Siyaasad aan isla xisaabtan laheyn waa siyaasad qasaartey- Ololeynta doorashadeyda Golaha Degaanka ee Oslo 2019-2023

0
183
Sawirka: Xildhibaan Ubax Cabdulaahi Adan Foto: Wardoon Media

Siyaasad aan isla xisaabtan laheyn waa siyaasad qasaartey- Ololeynta doorashadeyda Golaha Degaanka ee Oslo 2019-2023

Warbixintaan qeyb ka mid ah oo duuban horey baan u soo gudbiyay, oo waxaa laga heli karaa Youtube-keyga;- Ubah LIM- Voice – https://youtu.be/y_AcRmnp_MQ

Waa xaqiiq in xaalada reer Oslo aysan aheyn sidii ay aheyd 8-dii sano ee la soo dhaafey. Horumar muuqda oo la taaban karo baa laga gaarey, hadey noqoto dhanka waxbarashada, siyaasada, ganacsiga iyo ka dhex muuqnaanshaha bulshada. Horumarkaa waxaan aaminsanahey in uu labo jibaarmi karo hadii carqaladaha yar yar ee naga hortaagan horumar kaamil ah wax laga qabto. Sida fahanxumida ka jirta nidaamka dalka oo dhaawac ku noqotey dhawrida xaquuqda muwaadin iyo sida bulsho ahaan loo kala daadsan yahey. Xalinta labadaa dhib baa ah labo carqaladoo isku xiran, oo wadajirnimo u baahan xalanteed. Mid hadaad wax ka qabato, kan kale ayay saameyn ku yeelan. 

Waxyaalaha sahli kara xalinta dhibkaa baa ka mid noqon kara, markii layla xisaabtamo. Hadii anigoo musharax ah, isbedel doon ah, igu caawiso codkaaga, oo soomaalinimo, walaaltanimo iyo aqoon igu siisid, balse aadan hadhow igula xisaabtamin codkaaga, noo suurta geli meyso in aan ku wada guuleysano isbedel doonkii aan ku hamiyeyney. Balse markaad igula xisaabtanto codkaaga waxuu anna ii noqon hubkeyga, adna waxuu kuu noqon difaacaagaaga. Cod raadsade iyo cod bixiye waa labo isbedel doon oo isu baahan. Aana kala maarmin. Midna xoogii buu ku fadhiyaa. Midna tooshkii buu hayaa. Labadaa awood markey is fahmaan, waa marka keliya ee loo dhawaan karo xalinta dhibabka naga hortaagan horumarka aan ku mudan nahney bulshadan na marti gelisey.

Isla xisaabtan la`aan horseed xumo ayay leedahey, waana siyaasad qasaartey. Wakhtigu waa in uu noqdaa meel laga xirfad qaato. Xilliga doorashadana waa marka keliya ee tirada iyo tayada ay bulsho leedahey qiimaheed muuqan karto.  

Waa mahadsan tihiin.

Ubah Aden – Musharaxad Xisbiga Shaqaalaha ee AP number 30.

www.ubahaden.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments