Saaxiibta RW UK oo galitaanka USA loogu diiday safar ay Somaliland ku tagtay.

0
212
Foto: Dailymail-Nimo Ali-Twitter

CARRIE Symonds oo ah saaxiibta reysulwasaaraha UK, Boris Johnson ayaa loo diiday dal ku galka Mareykanka(Visaha), sabab la xiriirta safar ay ku tagtay Somaliland.

Carrie Symonds oo 31 sano jir ah ayaa codsatay inay safar Shaqo ku tagto dalka Mareykanka, balse laamaha soo galootiga dalkaas ayaa siiyay diidmo, iyada oo sabab looga dhigayo safar ay sanadkii hore ku tagtay Somaliland.

Saaxiibada Boris ayaa sanadkii hore fasax ku tagtay deegaamada Somaliland, iyada oo ay weheliso Nimco Cali oo ah gabar soomaali ah oo u dooda xuquuqda iyo sinaanta dumarka.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa Soomaaliya ku daray liiska wadamada muwaadiniinta u dhashay laga mamnuucay soo galootiga dalka Mareykanka.

Somaliland oo sanadkii 1991 ku dhawaaqday inay tahay maamul iyo dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale, ayaa wali sharci ahaan aduunka looga aqoonsanyahay qeyb kamid ah Soomaaliya.

Sawiro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa tusinaya Carrie oo joogto meelo ay kamid yihiin xeebta magaalada Berbera iyo dhowr goobood oo katirsan magaalada Hargeysa.

Xigasho/kilde: Carrie Symonds ‘barred from America for visiting war-torn Somaliland last year’ in embarrassing blow for Boris Johnson

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments