Saaxiibka gabadha boqorka: Marar badan ayaa dil la iigu hanjabay.

0
207
Foto: Skjermdump TV2

Sjaman Durek oo ah nin asal ahaan reer Jamaica ah, heystana Dhalashada ayaa murankii ugu weynaa sanadkan ka dhex abuuray bulshada Norway, kadib markii uu saaxiib la noqday gabadha boqorka Norway, prinsesse Märtha Louise.

Lamaanahan ayaa sheegay inuu ka dhaxeeyay xiriir in mudo ah, kahor inta aysan shaacin oo bulshada iyo warbaahinta usoo gudbin.

Halkan ka akhri: Buuq ka taagan nin madow ah oo saaxiib la noqday gabadha boqorka Norway.

Sjaman Durek ayaa wareysi Dheer oo uu siiyay wargeyska Thetimes ee laga leeyahay dalka UK, ku sheegay in bulshada Norway uu kala kulmay takoorid iyo cunsurinimo.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirkan ama qoraalkan)

Wuxuuna sheegay in dhowr mar loogu hanjabaday dil, loona soo diray fariimo sheegaya in cadaanku iyo madowgu aysan is guursan karin ama wada socon karin.

Sjaman Durek ayaa sidoo kale sheegay in loo soo diray sawiro muujinaya isaga oo geed ka laad-laado, wuxuuna raaciyay in lagu wargaliyay in la dal-dali doono hadii uusan ka harin gabadha boqorka.

Durek ayaa diiday inuu ka jawaabo su aal la xiriirta inuu booliska Norway iyo qoyska boqorka uu ku wargaliyay fariimahaas, si baaritaan dheeri ah loogu sii sameeyo.

Xigasho/kilde: Folk forteller meg at de vil henge meg fra et tre, at det ikke burde være noe «n-ord» på Slottet, at jeg er Rasputin, sier han til avisen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments