PST-da oo masaajidada Norway aan la wadaagin xogta halista in lasoo weerari karo.

0
124

10-kii bishii May ee sanadkan ayay aheyd markii nin ku hubeysan qoryaha fudud uu weerar ku qaaday masaajidka Al Noor ee Bærum .

Laanta sirdoonka iyo Nabadsugida Norway ee PST-da ayaa bishii Mai ee sanadkan soo saartay qiimeyn ku saabsan inay kor u kacday halista weerar ka dhan ah masaajidada Norway. Weeraradaas oo laga filanayay inay ka imaan karaan kooxaha xagjirka midigta fog.

Sida ay maanta qoreen qaar kamid ah warbaahinta Norway, sirdoonka Norway ayaa xogtan ku aadan halista weerarada ka dhanka ah masaajidka ah la wadaagin maamulada masaajidada iyo xarumaha diimaha muslimiinta.

Maamulka masaajidkii la weeraray ee Bærum ayaa arintaas ku dhaleeceeyay booliska, waxeyna sheegeen inaysan helin wax xog ah oo ku aadan in masaajidkaas lasoo weerari karo.

Xigasho/kilde: PST justerte opp farenivå for moskeer uten å si ifra

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments